Shukulaatadii ugu weyneyd abid ee caalamka lagu farsameeyo ayaa lagu soo bandhigey xarun ay ku leedahay magaalada Alfreton ee dalka Ingiriiska shirkad soo saarta macmacaanka. Shukulaatadan ayaa culeyskeeda waxa uu noqday 6tan ama 5,792.5kg waxaana dhererka shukulaatadan ay gaareysaa 4mitir. Shukulaatadan oo ka samaysan caano ayaa waxa ay jebisey rikoorkii hore ugu yiil shukulaatada caalamka. [...]
↧