Madaxweyne Shariif ayaa wuxuu maanta uu qaabilay wefdi ka socda Dowladda Koonfur Afrika, waxayna ka wada hadleen dhawr qodobo oo ku saabsan Dowladaha Soomaaliya iyo Koonfur Afrika.
Wefdi ka socda Dowladda Koonfur Afrika ayaa waxay maanta soo gaareen magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, isla-markaana waxaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa wuxuu wefdiga uu kala hadlay xaaladda dalka Soomaaliya iyo xiriirka u dhaxeeya wadamada Soomaaliya iyo koonfur Afrika.
Kullankaan oo dhawr saacadood oo xiriir ah soconaayay, ayaa waxay labada dhinac ay si weyn uga sheekeysteen qodobada ay maanta ka wada hadleen, waxayna isku waafaqeen in qodobadaasi la-meel mariyo.
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu mahad-celin uu u jeediyay Madaxda Dowladda Koonfur Afrika iyo wefdiga ka socda ee ay maanta u soo direen magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.
↧
Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta qaabilay wefdi ka socda Dowladda Koonfur Afrika “Daawo Sawirada”
↧