Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Gudoomiye Cirro & Aw Sahal isu-aragti & ficil ekaah. By: Mohamed Adan Omer

$
0
0

 
Salaan wacan mareegaha warbaahinta.
Aw Sahal waxaa uu ahaa Oday ka  mid ah Xoolo dhatada S/land. Nin afgaaban,degenaansho lagu yaqaana waa uu ahaa balse laga garasho roon yahahy. Sanad barwaaqo ah ayaa waxaa la soo degay oo guriga la yagleeshay gabadh ama inan uu dhalay iyo Saygeedii oo Geel badan leh,waxaanay ku wargeliyeen in ay jecelyihiin sanadka in reeerku wada yaalo. Aw  waa uu soo dhoweeyey maadaama ay ubakiisii yihiin,gurina waa la wada yagleeshay.Aw Sahal waxa u tashaday niman ay ilmadeer ahaayeen oo aqoon fiican u lahaa. Waxaay yidhaahdeen Sahalow  magac  iyo raganimo maanta ayay kuugu dhow yihiin haddiiba aad naga aqbasho talada aanu kuula socono oo ah mid aad u miihiim ah. Rag damac ku wada abuurane ,Aw Sahal waa soo dhoweeyey weedhaha loo soo jeediyey.  Waxaanay u soo bandhigeen in Wiilkan la soo degay ee uu sodoga u yahay ka soo jeedo beel heblaayo,isla beel heblaayana ay jirto Colaad dhab ah oo ka dhaxaysa. Waxaa kale oo ay ku beer laxawsadeen in Gabadhi mar walba dhaxdin tahay.  Taasi awgeed, Geelani yahay mid reer hebeloowe. Mar haddiiba xaalku sidaas yahay,waxaa ay aw Sahal u soo jeediyeen in ay haboon tahay in Geelan la qaado. Waxaa kale oo ay ugu ballan qaadeen in isla Aw Sahal qaato oo aan cidi kula tartami jagadda Abaanduulenimo iyo Hasha Geela u mudan ee loo yaqaano "Hal  Jileeda".  Aw Sahal arrinkaasi si qumman ayuu ugu dhoolo caddeeyey ,waanu ka aqbalay in uu Geeliisa Col geliyo,kana hormood noqdo raga qaadaya,weliba qoorta loo sudho astaanka abaan-duulka oo u jeeni qaarto. Maalinkii loo ballamay ayaa yimid,si fiican ayaana cagta loo mariyey,waana la  qaaday geelii.   Goor gelin dambe ah ayaa Beeshi ka war heshay in shil dhacay,geeli Wiilka Sahal Sodoga u yahayna la qaaday. Waxaa degdeg loo diyaarshay gurmad aad u culus madamaa la filayey in colka geela qaaday ka soo duulay dhul durugsan,isla markaas si aad ah u qalabaysan yahay. Raadkii ayaa cagta la saaray,waxaana lagu gaadhay dhul durugsan. Waa laga wareegay,waxaana la is huwiyey rasaas goo-goos ah. Si dhib-yar ayaa looga xoog roonaaday Kooxda aw Sahal,gacanta ayaana lagu dhigay.   Hadaba, waxaa gurmadii amakaag iyo layaab ku noqotay in uu ka mid noqday raga la qabtay ninkii Geelaba iska lahaa ee Aw  Sahal.  Su'aal ayaa la  waydiiyey ah, waar Aw Sahal garanay budhcada kale ee adigu ayaad Geela ka  qaadaysay.? Jawaab waa uu  u waayey Aw Sahal. 
 
Dulcuda qormada aan u noqdo ee waxaa ay la socota bulshada Bulshada S/land guud ahaan in Mudane Abdirahmaan A. Ciro ka mid ahaa xubnaha sare ee Xisbi Qarameedka Uicd. Waxaa kale oo aynu la soconaa in uu ka mid ahaa Xildhibaanada Xisbiga uga soo baxay Gobolka Saaxil. Waxaa iyana laba ilaawaan ah in Mudane Cirro ku guulaystay in uu ku fadhiisto Kursiga ugu qiimaha badan dalka S/land marka laga reebo Madaxwaynaha dalka. Waxaa iyana aan la moogayn in isla Kursiga qaaliga ah in Ciiro ku fadhsiito in uu sabab u ahaa dagaal culus iyo dadaal uu u horay hogaanka Xisbiga ucid Mudane Faisal Ali Hussein oo ku dhaar maray in aan nin aan Ciro ahayni ku fadhiisan doonin Kursiga Gudoonka Xildhibanada,kuna guulaystay .
 
Hadaba, waxaa xusid mudan in Bulshada S/land ku waabariisatay in Xaruntii  Xisbiga Ucid guuto uu hormood ka yahay Mudane Cabdirahmana Ciiro ay hab inqilaab ah kula wareegeen. In ay Jabsadeen Qasnadii dhaqaalaha xisbiga,lana baxeen dhaqaalahii islla xisbiga. In ay isla jabsadeen oo ay burburiyeen qalabkii Xarunta Xisbiga ,sida Computers iwm. Iyo in ay isu caleemo saareen gudoonkii Xisbiga intaba. Dhacdadan oo ku ugub ah dalka S/land oo ku dhisan habka wada tashiga iyo ku kala baxa doorashooyin distoori.
 
Ka dib markii loo kuur galay shilka dhacay,waxaa la ogaaday in Mudane Cirro ay u adeegsadeen duulaanka uu ku qaaday isla Xibigiisii dhinacyo is kaashaday oo ujeedadoodu keliya ahayd in Xisbi  Qarameedka ucid la burburiiyo,lana tirtiro.  Dhinacyadaasi oo haatan ummadu ka war qabto,isla markaas aanu u baahnayn faah-faahin dheeraad ah.   Hadaba, iyada oo ummada S/land ka si fiican uga war qabto Mudane Cabdirahmaan oo ay ku cadahay fal-dembiyeedka ah tuugo,boob iyo ku tumasho shuruucda dalka iyo in uu xata ku fashilan yahay Kursiga loo doortay ee gudoonka aqalka xildhibaanada,in uu isla maantana bulshada kula dhiirado damac madaxnimo doon iyo  Xisbi hor leh ayaan furtay,ayaa waxay noqonaysaa mid meel ka dhac iyo cay ku ah guud ahaan bulshada S/land.  Waxaanan ku soo gunaanadi lahaa qormada in Cabdirahmana Ciro loo aqoosado  Aw Sahalka Sanadan ee S/land maadaama ay meelo badan isku aragti ka yihiin labada Oday.
 
Mohamed Adan Omer
sharrif5@aol.com
—————————————————————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin dhibaatiyo wax makhluuqa kalla dilla,
 
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>