Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Idaacad Madax Banaan Oo Markii Ugu Horeysay Laga Hirgeliyey Guriceel…SAWIRRO

$
0
0

Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu qabtay xaflad balaaran oo lagu furayey Idaacad madax banaan oo markii ugu horeeysay taariiqda laga hirgeliyo magaaladaasi.
Xaflada ayaa waxaa kasoo qeybgalay Culumaa’udiin,waxgarad,ganacsato, haween,dhalinyaro iyo xubno ka kala socday ururrada bulshada ee ka dhisan gobolka Galgaduud waxaana dhamaanba xubnaha kasoo qeybgalay Xaflada furitaanka idaacadan oo loogu magac daray Radio Galgaduud ay madasha ka sheegeen aragtidooda ku aadan in magaalada Idaacad laga hirgeliyo.
Gudoomiye kuxigeenka maamulka degmada Guriceel Cali Baashi Aadan Diiriye oo khudbad ka jeediyey xafladii furitaanka Idaacadda oo lagu qabtay xarunta Radio Galgaduud ee magaalada Guriceel ayaa tilmaamay in ka maamul ahaan ay aad ugu farax sanyihiin islamarkaana ay soo dhoweynayaan in magaalada ay hesho idaacad bulshada u tabineysa waxyaabo kala duwan.
Sidoo kale Sheekh Saciid Sheekh Maxamed Sheekh C.raxmaan Madaxa guud ee Garsoorka Culumaa’udiinka Ahlu Suna waljamaaca oo isna xaflada ka hadlay ayaa tilmaamay in baahi warbaahineed deegaanka ay ka jirtay waxaase uu kula dardaarmay maamulka iyo howlwadeenada Idaacadubba inay ahmiyad siiyaan wacyi gelinta bulshada ee ku aadan xaga Diinta.
Ustaad Axmed Cismaan Cabdi Agaasimaha idaacadan cusub ee Radio Galgaduud iyo Tafaftiraha Idaacadaasi C/fitaax Xasan Faarax oo labaduba hadal ka jeediyey xafladii furitaanka aheyd ayaa tilmaamay in idaacadu tahay mid dhex dhexaad ah islamarkaana ku dadaali doonaan in bulshada reer Guriceel ay ka haqab tiraan baahidooda dhanka warbaahinta la xiriirta.
Idaacadan cusub ee Radio Galgaduud oo noqoneysa idaacadii ugu horeysay ee madax banaan oo laga hirgeliyo magaalada Guriceel ayaa waxaa ay ka hadleysaa mowjada FMka 97.7MHZ ayadoo marka laga reebo baahinta barnaamijyadeeda ay dadka magaaladaasi ku nool u gudbin doonto laanta Afka Soomaaliga ee VOAda.




Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>