Nairobi (RBC) Kooxu hubaysan ayaa lagu soo waramayaa in ay afduub u geesteen shaqaalo ka tirsan hay;ada MSF oo ku sugnaa xerda Dhadhaab ee kutaala wadanka Kenya.
Wararka ka imaanaya Xerada Dhadhaab ayaa sheegaya kooxahaan hubaysan oo ahaa Soomaali in ay gaeen xeradaasi isla markaana ay soo afduubteen ilaa iyo Labo Shaqaale ah oo ka tirsanaa hay’ada MSF oo xiligaasi ku sugaa xerada oo ay ku jiraan dad badan oo qaxooti Soomaali ah, sidoo kale wararka ayaa sheegay in kooxahaan Hubaysan ay dileen darawalkii gaariga ku waday shaqaalahaan cadaanka ah ee ka tirsan hay’ada MSF.
Dad ku sugan Dhadhaab ayaa RBC Radio u sheegay in kooxaha Afduubka geestay in ay shaqaalahaan ula soo baxsadeen dhanka wadanka Soomaaliya iyada oo aanan la ogayn halka ay xiligaan sida tooska ah ay u geeyeen.
Arintaan ayaa waxey ku soo adaysaa xili mudooyinkii ugu danbeeyay ay ciidamada amaanka ee wadanka Kenya ay aad u adkaynayeen soodinta kala qaybisa Soomaaliya iyo kenya, Isla markaana dowlada Kenya ay soo dhoobtay ciidamo aad u badan.
Sidoo kale Afduubkaan ayaa waxuu ku soo adayaa iyadoo dhowaanahaanba ay jireen Afduubka kooxaha Soomaalida ah ee hubaysan ay u geesanayeen dadka Ajaanibta ah ee ku sugan gudaha wadanka Kenya, waxaana ugu danbaysay Afduubkii loo geestay Haweenaydii u dhalatay wadanka Faransiiska.
RBC Radio
↧
Kooxo Hubaysan oo Xerada Dhadhaab ee Dalka Kenya ka Afduubteen Shaqaale Ka Tirsan Hay’ada MSF
↧