Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Puntland oo shil gaari ku geeryooday.

$
0
0

Eebe ha uraxmadee Waxaa goordhawayd shil gaari ku geeryooday Marxuum.Xildhibaan Cabdullaahi Cabdi Maxamed Farasle oo kamid ahaa Xildhibaanada aqalka Golaha Wakiilada ee Puntland isagoona goordhawayd ku geerooday shirgaari oo ka dhacay agagaarka beesha Bacaadweyn oo katirsan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Xildhibaan Cabdiweli Muuse Shire (Dhamuuke) oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa goordhaywad warbaahinta si rasmi ah ugu xaqiijiyey geerida xildhibaanka oo uu sheegey inuu ku geeryooday shilgaari oo ka dhacay agagaarka beesha Bacaadweyn, Waxaana Xidlhibaanku uu sheegey in Marxuumka uu shil lagalay gaari nooca Mark-2-ga loo yaqaano ah oo uu kasoo raacay degmada Gaalkacyo isagoo ku wajahnaa caasimada dawlada Puntland ee Garoowe.
Eeba ha ruxmadee Xildhibaan Cabdullaahi Cabdi Maxamed Farasle wuxuu kamid ahaa xildhibaanada golaha Wakiilada ee Puntland waxaana laga soo dooranjiray Degmada Xarfo  gobolka Mudug, Xildhibaanka geeryooday ayaa kusoo biiray golaha Wakiilada sanadkii hore (2010) Waxaana uu badalay Eeba ha ruxmadee Xildhibaan Ibraahim Cilm Warsame (Cilmi Gaab) oo lagu dilay caasimada dawlada Puntland ee Soomaaliyeed, Ehelada Xildhibaanka geeryooday ayaa APL u xaqiijiyey in Xildhibaanku uu ka tagay  13-Caruur ah iyo Labo Xaas, Waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyey gudoomiyaha golaha Wakiilada ee Puntland.
Breaking News WidhWidh Online


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>