Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Wararkii ugu danbeeyay ee Dagaaladii kadhacay Taabta iyo Diyaaradaha Mareykanka oo ka qeyb qaatay

Dagaalo xoogan oo la isku adeegsaday hub aad uculus ayaa maanta kadhacay deegaanta Taabta ee Gobolka Jubada Hoose, Waxaana Dagaalkaas uu ka tagay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ciidamada Dowlada KMG iyo kuwa Raas-Kambooni ayaa dagaal kula wareegay Deegaanka Taabta kadib Markii ay Al-Shabaab xoog uga saareen deegaankaas oo dirirtii ugu xooganeyd ay kadhacday.
Wararka ka imaanaya deegaanka Taabta ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Diyaaradaha Dagaal ee Dalka Mareykanka ay maanta ka qeyb qaateen Dagaalka looga itaal roonaay AL-shabaab.
Diyaaradaha Dagaal Waxaa ay Al-Shabaab ka birtilmaamed sadeen Gaadiidka Dagaal iyo Ciidamada Ifinteriga ah waana mida keentay in Al-Shabaab Gawaari badan Dagaalka looga qabsado sida ay sheegeen Saraakiisha Dowlada ee kusugan Deegaanta Taabta.
Dagaalka ayaa ujihaystay dhanka Deegaanka Qooqani ay Al-Shabaab ka wadaan abaabulo xoogan oo kadhan ah Ciidamada maanta la wareegay deegaanka Taabta.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>