Nairobi:-Kenya waxaa qalqal galiyey labo afduub oo loo geystey labo haweeneey oo faransiis iyo ingiriis u dhashay kuwaasoo laga afduubtey xeebta Malindi ee loo tamashlo tago.
Dhaqaalaha Kenya intiisa badan waxa uu ku tiirsanyahay dalxiiska, iyadoo lacag badan ay kasoo xarooto sanadkii, dadka kenya inta badan waxa ay xeebaha iyo dalxiiska u yaqaanaan “Janadii aduunyada”.
Labadii afduub ee dhacay Kenya kii ugu dambeeyey waxa ay u heeysataa Alshabaab, kii ka horeeyey rag burcad badeed ah oo gacan ka heley Alshabaab.
Alshabaab waxyaalaha ay samaynayso waxa ay ku dooneyso janadii aakhiro, halka Kenya ay dooneyso in ay difaacato janadeeda aduunyada.
Dowlaha reer galbeedka waxa ay muwaadhiniintooda u sheegeen in ay ka fogaadaan xeebaha bariga Afrika, gaar ahaan Kenya, iyadoo kumanaan dalxiisayaal ay isaga tageen Kenya, warar lagu soo daabacay jaraa’idka waxa ay sheegayaan in kumanaan kale ay joojiyeen diiwaangashi ay ka sameysteen hoteelada xeebta ku yaala ee Kenya, taasina waxa ay kaliftey in mulkiilayaasha hoteelada ay kala direen wax ka badan kala bar shaqaalihii ka shaqaynayay.
Kenya waxa ay soohdimaha iyo xeebaha ka samaysay saldhigyo cusub oo ay ugu talogashay in ay kaga hortagto weerarada lagu afduubanayo dalxiisayaasha, laakiin dadka xaalada ka warhaya waxa ay sheegayaan in ay waqti dheer qaadan doonto inta Kenya ay xaqiijin karto amaanka xeebaheeda loo dalxiis tago labo arrimood dartood, tan koowaad waa doomaha dheereeye ee ay dalxiisayaasha isticmaalaan kuwaasoo ay kusoo dhexdhuunteen doomihii ay wateen raggii wax afduubtey, iyo arrinta labaad oo ah in kooxaha wax afduubanaya ay jawaasiis dadka deegaanka ah ku leeyihiin meelaha wax laga afduubto.
Kulan ay yeesheen gudiga amaanka qaranka oo ay xubno ka yihiin wasiirada qaarkood, madaxweynaha, Ra’isulwasaaraha iyo taliyeyaasha ciidamada ayaa lagu go’aamiyey in Kenya ay talaabo militari ka qaado kooxihii falalka afduubka ah fuliyey, talaabadaasi waxa uu micnaheedu yahay in Kenya ay ciidamadeeda u direyso gobolka Jubbada Hoose si ay usoo furtaan haweeneyda Faransiiska ah ee la heysto iyo 2 askari oo ciidamada kenya ka tirsan.
Alshabaab oo iyada ka warheysa waxa kusoo wajahan ayaa u muuqata mid u diyaargaroobeyso, waxa ay kordhineysaa dadka Kenya u dhashay ee ay qafaalanayaan, maalmo ka hor waxa ay Afmadoow ku afduubteen 2 muwaadhin oo Kenyan ah oo dabo-ka-fuulo ka ahaa gaadiid gargaar u waday hey’adda MSF, waxaana laga yaabaa ayaa la leeyahay in ay jiraan qorshayaal gudaha Kenya looga soo afduubayo saraakiil Kenya ah si gorgortanka loogu gacan sareeyo.
Sidoo kale Kenya waxa ay magacoowdey ergo ka socota oo lasoo xaasha Alshabaab iyo burcad badeeda heysata haweeneyda u ladatay Ingiriiska, Shabaabka waxa ay shuruudoodu tahay in Kenya ay joojiso taageerada ay siiso ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kaambooniyiinta, haddii taasi Kenya laga helana ay iyagu dhankooda badbaadin doonaan in ay falal ka geystaan gudaha Kenya.
Falalkani Afduubka ah ayaa waxaa lagu micneeyey in ay ka dhiganyihiin istaraatiijiyadii Shabaabka oo badalantay, in halkii qaraxyo waaweyn Kenya laga geysan lahaa, lagu badalo falal kale oo Kenya damqin kara dhaqaalo ahaan iyo amaan ahaanba.
Dagaalka Alshabaab iyo dowladda Kenya waa uu sii soconayaa intii muddo ah, xitaa haddii ay Kenya joojiso in ay taageerto dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanada gobolada dariska la ah, sababtoo ah Kenya waxa ay ugu sokeeysaa boqolaalka dal ee islaam iyo gaalaba leh ee aduunka ka jira ee madaxda Alshabaab ay doonayaan in ay ka taliyaan maalin uun. sidaasi darteed waxaa meesha ka baxaya Kenya iyo Alshabaab oo si nabadgalyo ah isugu garab noolaada.
Bahda GalGalanews.com
↧
Kenya oo Dhaqaalihii Dalxiisku Hoos u Dhacay Sababa Amaanka la xidhiidha
↧