Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid ayaa doraad u Ambabaxay Shir ay Wasiiradda Cadaaladda ee dalalka Bariga, badhtamaha iyo Koonfurta Afriki ku leeyihiin Dalka Rwanda, kaasoo lagaga hadlayao sida la sheegay Dacwadaha Dillka ah.
Inkastoo aanay xukuumadda Somaliland tagitaanka iyo ka qayb galka shirkaasi waxa tafaasiil ah ka bixinin hadana sida ay sheegayaan warar laga helayo socdaalka wasiirka ayaa sheegaya in uu shirkaasi kaga qayb galayo Dalkaasi Rwanda kaasoo lagu gorfaynayo go’aamada fulinta ah ee ka soo baxa Kiisaska Dilka ah ee ay soo dhamaadaan ka Garnaqoodu.
Shirkan oo ah kii ugu horeeyay ee ay xukuumadda Somaliland ka qayb gasho noociisa ayaa ah mid ay ka soo baran doonto casharo dhinaca sharciga ah iyo waayo aragnimo la xidhiidha sida ay hay’addaha dhinaca Cadaaladda ee dalalkaasi u fuliyaan Dacwadaha Dilka ah.
Xukuumadda Somaliland ayay caqabadi ka haysataa fulinta Kiisaska dhamaaday ee Dilka ah ama kuwa uu Garnaqoodu socdo oo wakhti badan qaata, waxaana Jeelasha Dalka buux dhaafiyay Maxaabiis farabadan oo Dill ku xukuman halka ay Rumaan ahaan ama dhagaysiga Dacwadahooda ay qaadeen qaar ka mid ah Maxkamaddaha Awooda u leh kuwaas oo aan wali dhamaan.
Dibu-dhaca ku yimaada Kiisaska Dillka ah ee aan hore loo fulin ayaa deegaamadda qaarkood ku sababa mararka qaarkood in Aano ay iskugu Dilaan dadka xigtada ahi, halka ay qoysas kalena dhibaato ka haysato Quudinta Maxabuuska Dillka ku xukuman oo haddii la fulin lahaa ay ka war war la’aan lahaayeen.
Source-waaheen
↧
Wasiirka Cadaaladda oo ka qayb galay shir Wasiiradda Cadaaladda ee Bariga, badhtamaha iyo Koonfurta Afriki ku leeyihiin Rwanda
↧