Tixdan oo ah mid cusub oo la magac baxday "Siillaanyooy dhabtii waad
dhaliilantahay" Waxay soo baxday 30/8/2011.
Siillaanyooy Dhabtii Waad dhaliilantahay
Dhabarkiyo Araxda waad ka dhuucsantahay
Calooshuna dhulkay u dhawaatayoo,Shinkaagii Dhamaa
Somaliduna dhamaan way ku dhawrasaa Waa lagaa dhursugi.
Dheeraa Dun-dumo dhoor fiiqanaa
Kolkay dheelidana fudkii dhalada yiil
Dhal-fiifaha intuu sii kala dhacdhacay
Isagoo dhanbalan sawkaa dhulkii
Inta uu ku dhacay ciidii dhex galay
Way dhererantahay ma dhaqaaqdo oo jiriduna ka dheer
Nabsigana ka dhawr waxii laga dhur sugo iskasoo dhawaa.
Siillaanyooy dhabtii waad dhimantahoo
Waad is dhaafsantahay madaxana dhadhaarbaa kaaga dhacay.
Siillaanyooy dhabtii dhiilkii godbeed naga dhaansatee
Waan ku dhawranaa Walibana dhitada waan dhiganaynaa
Waanan kugu dhawnahay.
Siillaanyooy dhabtii dhoobada Berbera jaad dhaafsatee
dhalinyarada iyo socotadaad dhibtee
Nabaradii ku dhacay adigoon ka dhayin
Jeel wada dhigtee miyaad dhoohantahay….? ficilkaaga dhugo.
Siillaanyooy dhabtii adigaa ka dhigan
Dhurdihii ilmaha gawskuun u dhigay
Uga dhuuntayee ka dhameeyayee
dhalaankiisii xaday isaguna dhargee
Dhacadiid hurdada goortuu dhag yidhi
Xoorkuna u dhacay.
Siillaanyooy dhabtii waa hadaanad dhamin
Ma kolbaad dhanayd sawdigii dharkiyo
Calalada dhigtee dhakhtarkii Berbera dhawr hal iyo kiniin Drug lagugu muday.
Siillaanyooy dhabtii dhibaatadu kun iyo
Waa dhawr kaloo waan kala dhigdhigay
Waanan kala dhambali dhagar weeyi qaar
Dhirbaaxooyin qaran dhasalaalaqii aad u dhalatay iyo Been dhumucyaweyn.
Qaarna waa dhufays aad ku dhuumatiyo
Dhabarkoo hadana ku dhalaalayiyo
Dhiiliyo colaad dhaleeciyo afxumo.
Qaarna waa dhig-dhexo dhismo aan lahayn dhoodhoobidaa.
Qaarna waa dharkeyn aad dhaawacdeen
Dheecaankii ka yimid dhako faaridaa
Qaarna waa dhalaan ubadkaad dhasheen
Kii dhaqanayiyo dhooroow maganta aad dhoofiseen
Qaarna waa dhibkii dhaawaciinii horee idinkoo an dhayin dhoofdhoof la'aan
Dhooroow waliba aad ku dhiirateen.
Qaarna waa dhugato dhukaan aad qabtoo
Aan ka dhawrsadoo aanan sii dhex galin.
Qaarna waa dhab iyo dhagamaanya iyo
Dharaar wali kuu dhabacan iyo sheeko dheer
Qaarna waa dhakani, waxan kuu dhigoon kaa dhaadhacayn iyo dhego adayg.
Taan kala dhig dhigay hadaan kala dhambalay tan kalana bal dhugo.
Siillaanyooy dhabtii xakun aan dhanaba
Ilaa dhaamka iyo Sheekh dhaafsanayn
Dhalanteed kursii wuu dhamaanayaa
Waana lagugu dhagi ee ma ciidaad dhex gali…?
Maansadu dhabtii waa dhiil godbeed
Way igu dherarantahay waan dhamaynayaa
Walibana dhabtii ceel dhubaniyo dhaniin
Maaha laas la dhuray waa waadi dhaba
Hoostana u dheer hakusoo dhawaan oo hasoo dhex galin.
Maansadu dhabtii haday dhoofta oo dabaylahu dhuftaan
Oood dhegaysataan waan soo dhawaan
Dhaankiyo safraha waan dhawrayaa waan dhega dhegayn
Hadaan sii dhirfana waan is dhawrayoo kaamaba dhergine
Hoostaan u dhici waana la is dhandhamin.
Nooli Kulantee
Mahammed Abdirahman Sharif
Yemen Sana'a.
guallab@gmail.com
———————————————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
↧
Siillaanyoow Dhabtii Waad Dhaliilantahay, Waa Maanso La Hadlaysa Axmed Siillaayo. By: Mahammed Abdirahman Sharif
↧