Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Qarax ay Askar ku dhinteen oo ka dhacay M/ Afgooye

$
0
0

Afgooye ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Qarax xoogan oo Saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose.
Qaraxan oo ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in uu ka dhacay bar Koontarool oo Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin nawaaxiga Beerta Aadan Seeraar ee duleedka degmadaasi Afgooye.
Ilo deegaaka ah ayaa sheegay in qarxaasi ay ku dhinteen 2 Askari oo ka tirsanaa Ciidmada dowladda, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro kale.
Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Afgooye oo ku aadan qaraxaasi.
Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarkan ayaa baraha Internet-k ku baahiyay in qaraxaasi ay ku dileen illaa iyo 5 askari oo ka tirsnaa Ciidamada milateriga dowladda, sida ay hadalka u dhigeen
Muddooyinkii dambe Al Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka fuliyaan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
storvideo: 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Latest Images

Trending Articles