Dhibaatada ugu weyn ee haysata umada Somaliland waa balwada cunista Khadka oo mareysa meeshii ugu liidatay,nasiib darada ugu weyna waa Dawlad kasta oo u dhalata Somaliland oo Wasiiradii iyo madaxdii iyagiiba aanay ka maarmin Khadkii,inta ay shaqeeyana ay yartahay, bulshadii ay wanaga u horseedi lahayena iyagiiba ku dhex jira Geedkan Khadkaa ee inta badan dhaqankeena ku dhex jirey,berigii hore sahalo ayuu ahaa Khadka Dad kooban aya cuni jirey oo u badnaa Odayada Xaafada dhalinta yaryarna Kubada ayey ciyaari jireen,maanta se waa la wada ruugayaa Khadkii Dadkii inta uu dhaafay ayaa Xayawaankii Riyihii-Geelii-Digaagii wada marqaansan yihiin.
Xilka ugu weyn waxa uu ka saaran yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo sidii uu wax uga qaban lahaa arinkan balwadan mareysa meeshii ugu liidatay,xilkani waa xilka uu madaxweynuhu bulshada ugu dhaartey,in uu bulshadiisa haday wado qaloocan oo xun ku socoto uu ka leexiyo,Madaxweyne bulshada aad Madaxweynaha u tahay way wada waalan yihiin ma caafimaad qabaan,bulsha aan caafimaad qabina wakhtiga aya kaaga lumaya waa adigoo Kildhi daloola biyo ka buuxiya shaah iyo hayl iyo sonkorna ku dara dab kulul oo shidana saara,u malayn maayo in Shaahaas cid calfan karto,Biyuhu dalaalka Kildhiga ayey ka baxayaan Kildhiguna ugu danbeynta wuu qarxayaa oo gubanayaa umada aad Madaxweyne u tahay waa Klidhigaas daloola ee dabka saaran oo maraya ku dhawaadkii qaraxa,waana in aad dabka ka qada Kildhiga biyihii ka dhamadeen dabkana damisaa inta aad ama kabaysid ama Kildhiga badalaysid.
Madaxweyne arin fudud maha cabsidiisa ayuu arinkan leeyahay Xerta Marqaankuna waa ay dagaal badan yihiin soo jeedkooduna waa uu badan yahay hase ahate waxii dhacayaba ha dhaceene kol aad ciidamada Somaliland ka soo gaxaysidna jiida hore ee Laascaanood oo aad ku duqaysid xerta Marqaanka,waa in aad arinkan wax ka qabata si ay kuugu gasho taariikh waligeed jiri doonta jiilka soo socdana laga badbaadiyo balwadan Khadka.Umad aan shaqaysanaynin oo ruugaya Khad oo laga soo biiliyo dibadaha xafiiska Dahabshiilna hor taagan wakhtiga aya kaaga lumaya adigoo is casila aya kuu dhama intaad umadan waalan ee wada marqaansan aad madaxweyne u tahay.
Waxa meesha aan ka maqneyn dhaqaalaha inagaga xarooda Kenya iyo Ethiopia waa dhaqaale aad iyo aad u badan oo waxyaabo badan lagu qabsan lahaa wadankana wadooyinka loogu dhisilahaa iwm,Khadka marka la dabar gooyo ee jeelasha lagu guro xerta marqaanka bulshada dhalinyarada ha lagu hirgaliyo Ciyaaraha kubada cagta iyo gacanta,kooxana ha laga hirgaliyo Magalooyinka waaweyn mushaharo badana ha loo balan qado dhalinta oo ha la siiyo,bulshada Aduunka oo dhan aya ciyaaraha lagu mashquuliyaa wadamadan aanu joogno America iyo Canada Dadkooda ciyaaraha ayey nafta ku madadaaliyaan,Ciyaartoyda way kala wada yaqaanan meesha uu ku dhashay magaciisa,hase ahate ma kala yaqanan Madaxda wadankooda dana kama laha Wasiiradana ma yaqaanan.
Waxa inoo wada balana sidii dhaqankan xun ee Marqaankaa loo tirtiri lahaa si bulshada loo badbaadiyo oo aanay u wada waalan oo god ugu wada dhicin wali wakhti badan aya la hayaa waana in dagaal weyn lagu qada xerta Marqaanka ee ku nool wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba,kuwa gudaha ee xerta marqaanka ee ku jira marfishyada waa in loo adeegsadaa ciidamada gaarkaa ee aan nixin ee Masaska cuna ee kaarayasha wata,marfishkastaba waa in la gubaa oo dab la qabadsiiyaa.
Khan Maxamed Farax.
Vancouver Canada.
—————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
↧
La dagaalanka iyo dabar goynta Khat.Qadka-Waana in Bulshada loo abuura,Ciyaaraha Sports ka,ee kala duwan By: Khan Maxamed Farax.
↧