Wafdi iyo & Tababarayaal ka socda Ururka Xag-jirka ah ee Alqaacidda oo sida gargaar isugu jira Cunto iyo Dhar ayaa maalin kahor soo gaarey gobolka Sh/hoose, waxayna deeqdasi ku sallimeen horjoogayaasha kooxda Alshabaab oo iyaguna sheegay iney u qeybinayaan dadka ku hoos nool maamulkooda.
Abu-Cabdalla Almuhaajiri oo hoggaaminayey Wafdigaan ayaa Warbaahinta Alshabaab u sheegay iney jirrab iyo dhibaato u soo mareen sidii ay deeqdaan ku soo gaarsiin lahaayeen dhulka ay Alshabaab maamusho, wuxuuna sidoo kale ka dhawaajiyey in Ururkoodu uu ka qeyb galay dagaallo dhowr ah oo Soomaaliya ka dhacay wixii ka dambeeyey Sagaashankii, isagoo si gaar ah u xusay dagaalladii Unisom ee dhacay 1993-dii, Dagaalladii lala galay Ciidamada Itoobiya, iyo kuwa haatan socda.
Almuhaajir wuxuu Alshabaab uga Tacsiyadeeyey guuldarrooyinka la soo dersey bilihii ugu dambeeyey ee dhinacyada dagaallada, dhaqaalaha iyo Siyaasadda, wuxuuna ku boorriyey iney mintidaan oo dagaalladana ay sii wadaan isagoo u ballan qaaday iney dhinac walba ka taageeri doonaan si loo xaqiijiyo gaarista hadafka ay ka mideysan yihiin.
“La dagaallama gaalada, dhabarka ka jibiya, Xarumohooda iyo Guryahooda ugu taga, Abaalgudkiinu waa Janno”, ayuu Almuhaajir ku adkeeyey horjoogayaasha Alshabaab, wuxuuna u qeybiyey kutubo iyo Cajalado ka hadlaaya Jihaadka, si dhallaanka yar yar ee u dagaallama Alshabaab loogu meeriyo ama loo tuso.
Dhanka kale Afhayeenka Alshabaab Cali dheere oo isna ka hadlay munaasibadda lagula kala wareegayey deeqda ka timid Alqaacdda, ayaa si weyn u marxabeeyey uguna ammaanay deeqdaas ay soo gaarsiiyeen, wuxuuna wacad ku maray iney si caddaalad ah u qeybin doonaan gargaarka soo gaarey, isla markaasna ay si daacadnimo ah u fulin doonaan farrinnta la soo gaarsiiyey Alshabaab ee uga timid Hoggaamiyaha guud ee Alqaacidda Eymaan Alsawaahiri oo cajalad uu ku soo hadlay ay Wafdigaani sideen.
Magaalada Muqdisho iyo caasimado kale oo caalamka ah ayaa aad leysu weydiinayaa sida ay deeqdaan Alqaacidda ee tirada badan ku soo gaartey gobolka Sh/hoose, Waxaa ayna fadeexad iyo dhabarjab ku tahay Arrintaani qolyaha isku magacaaba beesha Caalamka oo iyagu sheeganayey iney ilaaliyaan badaha iyo hawada Soomaaliya.
dalka@dalkanews.com,
↧
Xubno ka tirsan Alqaacidda oo soo gaarey NO,50, iyagoo gargaar sida, & Alshabaab oo si weyn ugu faraxday.
↧