Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Xildhibaan lagu Dhaawacay Muqdisho

$
0
0

Max'ed Cali Cumar "Caana-nuug" oo ka tirsan baarlamaanka KMG ayaa maanta la dhaawacay kaddib markii baabuur uu saarnaa qarax lagula beegsaday meel aan ka fogeyn gurigiisa oo ku yaalla degmada Waberi.

Xildhibaankan ayaa la sheegayaa in dhaawaca soo gaaray dartiis ay lug ka go'day.

Xildhibaanka oo haatan ku jira cisbitaalka Benaadir ee magaalada Muqdisho ayaa xaaladdiisa caafimaad ay tahay mid liidata.

Max'ed Cumar ayaa ka mid ahaa xildhibaannadii baarlamaanka KMG ku biiray sannadkii 2009-kii markii uu dhacay shirkii Djibouti.

Ilaa hadda cidna ma sheegan mas'uulliyada qaraxa xildhibaanka lala beegsaday.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>