Bishii 9/2011 waxaa Dagaal geystay khasaaro Naf & Maal leh uu ku dhexmaray Gudhaa Magaalada Gaalkacayo gaar ahaan Xaafada Garsoor Beesha Laylkase & Ciidamada Dowladda Puntland, Dowladu waxay sheegtay in uu Dagaalku u dhexeeyo Ciidamadooda & Maleeshiyo Argagixiso ah aysana la dagaalamayn wax Beel ah.
Dhanka kale Beesha Laylkase & Maamulka Galmudug waxay xaqiijiyeen in uu Dagaalku u dhexeeyo Ciidamada Dowladda & Maleeshiyo ka soo jeeda Beesha Laylkase 3 cisho oo u socday Dagaal xiriir ah oo lagu kala itaal roonaan waayey waxaa dhacay heshiis la isku afgartay xabad joojin deg deg ah, Heshiiskaas oo Dowladu la gashay beesha Laylkase ayna soo qabanqaabiyeen Ismo ka tirsan Puntand uuna hogaaminayey Islaan. Bashiir hashiiskaas oo burinayey Wararkii ay horay dowladu u bixisay ee ay ku sheegaynaysay inay la dagaalamayso Argagixiso.
Hadaba waxaanu helnay Qoraal sir ah oo ay qoreen Gudiga Nabadgelyada Gobolka Mudug uuna ku saxiixan yahay Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Jaamac Yuusuf qoraalkan ayaa ka hadlaya Qorshaha Amniga Gobolka kaas oo loo gudbiyey Dowladda dhexe waxaana la Qoray ayaamo ka hor inta aanu dagaalku dhicin oo ku taariikhaysneed 29/08/2011 qorshahan oo ah kan Dagalka lagu hoobtay sababay wuxuuna beenaynayaa sheegashada Dowladda ee ah in la soo weereray Ciidamadooda oo ku hawlana sidii ay u so qaban lahaayeen xubin laga shekiyey.
Qorshahan oo ka kooban 7 qodob qodobkiisa 1-aad wuxuu ku talinayaa in Dowladu la wareegto Deegaanka magaalada dhexdeeda ah ee ka maqan gacanta Dowlada oo loola jeedo Xaafada Garsoor, qodoba 4-aad ayaa isaguna muujinaya in ay Dowladu geysay Gobolka Ciidamo xoojin ah oo ka qayb qaata Dagaalka waxayna codsanayanaa Masuuliyiinta Gobolku in aan Ciidamadaas laga qaadin Gobolka ila ainta laga helayo ciidamo buuxiya Booskooda.
Warqadana ayaa muujinaysa sida cad ee ay Dowladu u weerartay beesha laylkase ee ka mid ah beelihi dhistay Puntland.
Halkan Riix Waraaqada ku Qoran PDF Tigey
Shabakadan GalGalanews ayaa inta badan Aad u Daba Gasha Macluumaadka ku Aadan Sidii dadka loogu Soo Bandhigii Siyaasada Gurcana ee Putland waxaanu Faraynaa dhamaan Warbaahinta inay Source-ka Xogtan Ilaaliyaan
↧
Puntland oo Laga Helay Document Sir ah oo ku Aadan Colaadii Garsoor
↧