Wasiirka Wasaarada Gaanshaandhiga ee Dowladda Britain Liam Fox, ayaa wuxuu caawa uu iska casilay xilkaasi, wuxuuna masuulkaan uu ahaa mid miisaan culus ugu fadhiya dadka reer Britain.
Wasiirka Wasaarada Gaanshaandhiga ee Britain, ayaa wuxuu sababaha uu isku casilay lagu sheegay, in uu xafiiskiisu ugu imaan jiray nin lagu magacaabo Adam Werritty, oo ay ahaayeen saaxiibo aad iskugu dhaw.
Adam Werritty ayaa wuxuu marka uu imaanaayo xafiiska Wasiirka Gaanshaandhiga uu sheegan jiray, in uu yahay la-taliyaha Wasiirka, wuxuuna mararka qaarkood uu la-soo bixi jiray kaar uu ku sheegaayo in uu cadeynaayo, in uu yahay la-talaliyahiisa.
Adam Werritty ayaa wuxuu dhawr jeer uu safaro dibadda ah uu u raacay Wasiirka Wasaarada Gaanshaandhiga, waxayna taasi keentay shaki xoogan oo laga qaaday masuulkaan, isla-markaana arintaan ayaa waxaa buun buunisay Saxaafadda Ingiriiska.
Markii Saxaafadda Ingriiska ay arintaan buun buunisay, ayaa waxay keentay in uu ka caroodo masuulkaan, kaasoo ugu dambeen caawa fiidkii shaaca ka qaaday in uu iskaga tagay shaqadaasi.
Dadka u dhashay Boqortooyada Britain ayaa waxay si weyn ay u jacel yihiin Liam Fox, oo caawa iska casilay xilkaasi, waxaana dhici kareysa in dadka ay arintaan ka muujiyeen walaac, maadaama uu yahay nin si weyn looga qiimeeyo dalkaasi.
↧
Wasiirka Gaanshaandhiga ee Britain oo caawa fiidkii iska casilay xilkaasi
↧