Hargeysa (OWN)- Saaka Abbaaro 09:30-kii barqanimo ayaa waxa ka dhacay Dalxiis Hotel ee Magaalada Hargeysa munaasibad meher oo kulmisay hal-door badan oo reer Somaliland ah oo isgu jiray salaaddiin, siyaasiyiin, culima-aw-diin, guurti, boqorro, aqoonyahanno, abwaanno, qoraayo, dhallinyaro, gacal iyo sokeeyeba leh.
Dadka goob-joogga u ahaa munaasibaddan waxa ka mid ahaa:
Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe)
Suldaan Maxamed Suldaan XirsiQani
Sheekh Aadan Xaaji Muxumed Xiiray (Aadam-Siiro)
Engineer Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyeha Xisbiga UCID
Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax
Boqor Raabbi Yuusuf Jiilaal
Boobe Yuusuf Ducaale
Abwaan Axmed Aw Geeddi (Dheeraad)
Khaalid Jaamac Qodax
Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan “Haldeeq”
Cali Axmed Balayax, Maamulaha Dugsiga Sare ee Maxamuud Axmed Cali (oo macallin iyo maamulba u ahaa lammaanaha is-guursaday)
Xaaji Maxamed Ismaaciil (Bidhaan)
Xildhibaan Xasan Xaydh
Madashan oo ahayd meherka Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi) iyo Muuna Cabdi Suldaan Yuusuf Suldaan XirsiQani o lagu furay aayadaha Quraanka ah ayaa waxa hadalka la wareegay Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) o si dhaqanka waafaqsan u dalbay guurka iyo meherka SICIID MAXAMUUD GAHAYR (HARGEYSAAWI) IYO MUUNA CABDI SULDAAN YUUSUF SULDAAN XIRSIQANI.
Waxa si gobanimo leh inanta u bixiyay Suldaan Maxamed Suldaan XirsiQani, meherkana waxa raaciyay Sheekh Axmed Ismaaciil Cabdi.
Waxa isna madasha ka hadlay Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ka warramay xidhiidhka soo-jireenka ah ee ka dhexeeya isaga iyo qoysaska lammaanahan is-guursaday, waxa uu si gaar ah u bogaadiyay wiilka inanta guursaday (Siciid Gahayr) oo ay aqoon gaar ah isu leeyihiin.
Qoraaga way nee Reer Somaliland, Boobe Yuusuf Ducaale ayaa kelmad kooban oo duco iyo bogaadin ah munaasibadda ka jeediyay, oo xusay in ay Siciid Gahayr isku yihiin bahda qalinka.
Ugu dambayntii waxa munaasibadda duco iyo ku soo xidhay Sheekh Aadan Xaaji Muxumed Xiiray (Aadam-Siiro) oo ka mid ah culimada ugu caansan geyiga Somaliland oo ka warramay ahmiyadda guurka, una duceeyay lammaanaha cusub in ay noqdaan kuwo aqalgalkooda ku gaadha bashbash iyo barwaaqo. Sheekh Aadan waxa uu sharrax kooban ka bixiyay aqoonta uu u leeyahay Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi) oo ah caruuska maanta uu meherkiisu dhacay.
Guud ahaan dadka xagga sare ku xusani waxa ay hambalyo, bogaadin iyo duco hawada u marinayaan SICIID MAXAMUUD GAHAYR (HARGEYSAAWI) IYO XAASKIISA MUUNA CABDI SULDAAN YUUSUF SULDAAN XIRSIQANI
Guud ahaan bahda shabakadda caalamiga ah ee Oodweynenews.com waxa ay hambalyo meher oo qiimo badan u dirayaan lammaanahaas uu maanta meherkoodu ka dhacay Hotel Dalxiis ee magaalada Hargeysa.
Oodweynenews.com, Hargeysa Office
↧
Guur Samo Leh: Munaasibad Kulmisay Masuuliyiin, Madax-dhaqameed iyo Mudaneyaal Maamuus Leh + SAWIRO
↧