18 Oct 2011
Waxa magaaladda Virgina ee dalka Mareykanka lagu qabtay Tartamadii sanadlahaa ahaa ee Kubada Cagta iyo Koleyga oo ay sanadkaan ka soo qeyb galeen Halyeeyo dhanka sports Soomaaliya magac ku lahaa isla markaana wali ku dhex jira dhadhaqaaqa isboortiga ee Dalka Soomaaliyeed lagu hormarinaayo waxaana ka mid ahaa ka soo qeyb galayaasha Sanadkaan Dr. Cali Cusmaan, Aweys Fundi iyo Caydiid Jeenyo oo ka socday Guddiga Isboortiga ee Atlanta.
waxa kaloo ka soo qeyb galay Maxamed Faarax Dabdamis, Mukhtaar Cuti, Dr. Yuusuf Shaqaaq, Xarbi, Cabdisamad Qasim, Abukar Shiino, Faarax oday, Axmadey B, Cabdiraxmaan Tacbaan iyo Busuri oo ah Tafatiraha Webka Xiddigaha,Com,oo dhamaantood ka socday Dalka Canada.
Dhanka Dalka Ingriiska waxaa ka yimid Axmednuur Maxamed Xaashi (Seyga Ruushka) oo ah Gudoomiyha Mideynta Qurbajoogta Isboortiga, sidoo kale waxaa lagu sharfay inuu ka soo qeyb galo ciyaaraha Cabdulaahi Nuur Kolombo oo ka socday Raadiyaha VOA. waxaa kaloo Virginia ka yimid Khaliif Riiko, Baaburi, Feysal Khaldaan. Jaamac Bahal, Soleymaan Abukar, Dr. Shukri Salxaan, Dayib Madaxa TVga Universal, Mudane Caraale oo ka tirsanaa Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee Ciyaarha Fudud iyo Shiino Madoobe, Bashiir Geele, Mahad, Afrikaano, Delbiero waxay ka socdeen OHIO Gudigeeda Isboortiga.
Waxaana sanadkaan Ciyaartii kama dambeysta ku loolamay Dhanka Dhalinta Cuslaatay Koox ka socotay Magaaladda Toronto ee dalka Canada iyo Koox ka socotay Washigton waxaana guushii la hoyday Kooxdii Washigtoon,dhanka dhalinyaradda waxa Ciyaartiis kama dambeysta aheyd ku baratamay Koox ka socotay OHIO iyo Washigton waxaana Koobkii Guusha qaaday Kooxdii OHIO oo sanadkaan soo bandhigtay Ciyaar farsamadeedu ay sareyso halkaa oo ay ku soo jiiteen Taageero aad iyo u fara badan loona tumay sacab aad u badan.
Waxaana Xafladii gabagabeynta ka hadlay Mudane Axmednuur Maxamed Xaashi oo ku magac dheer(Seyga Ruushka) oo ah Gudoomiyaha Mideynta Qurbajoogta Isboortiga.waxaana uu marka hore u mahadceliyey Guddigii lahaa qabanqaabadda oo runtii uu ku tilmaamay in ay dadaal badan muujiyeen,waxaana awoodeen in intaan oo Halyeeyo ah ay isu keenaan,taa oo runtii ah mid aan la iloobi karin,isagoo ku booriyey in Goboladda kale ee Mareykanka ay iyagana abaabulaan Tartamo kuwaan oo kale ah,waxaana uu ka hadlay ujeedada Safarkiisa oo ah in uu la kulmo dadkii Isboortiga Soomaaliyeed Magaca iyo Maamuska ku lahaa si looga wada hadlo sidii loo hormarin lahaa Isboortigeenu oo waayahaan ay la soo gudboonaatay dhibaato aad iyo aad u baaxad weyn,waxaana kaloo uu sheegay Seyga Ruushka in hadafka kale oo aan u socdo ay tahay in la mideeyo cududa Halgamayaashii Isboortiga oo qaarkood la dhex dhigay khilaafyo oo danta laga leeyahay ay tahay in aysan midoobin, waxaana ugu dambeyntii uu u mahadceliyey Guddiga Isboortiga ee Atlanta iyo Guddiga Isboortiga ee Virginia oo uu muujiyey Kalsooni iyo in ay ku garab taaganyihiin dadaalkaas ku wajahan badbaainta Isboortiga Soomaaliyeed.
waxaa kaloo xafladii gabagabeynta ka hadlay Dr. Cali Cusmaan cali Xoghayihii Guddiga Olympigadda Soomaaliyeed kana mid ah Halyeeyadda Isboortiga Soomaaliyeed ugu Taarikh dheer Kifaax badanna u soo galay Horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed.waxaana uu marka hore u mahadcelliyey Guddiga Isboortiaga ee Virgina oo runtii dadaal badan galay,waxaana uu amaan aan la koobi karin u jeediyey Gudoomiyaha Mideynta Qurbajoogta Isboortiga Mudane Axmednuur Seyga Ruushka iyo Gudigiisaba oo runtii shaqada ay hayaan ay tahay mid uu u baahanyahay Qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan Isboortiga oo u baahan Badbaado dhan waliba leh.
Dr. Cali Cusmaan waxa isagoo qiireysan sheegay in shucladda Isboortiga Soomaaliyeed uu soo qaaday bartamihii Lixdameyadii walina uu sido,waxaana aan cadeynayaa in uusan weli arag Gudi isku taxalujiya Mideynta Isboortiga taa oo uu yiri waa mid Taarikhda geli doona,waxaana aan hore ugu cadeynay Gudoomiye Seyga Ruushka in aanu si buuxda aanu u tageeri doono Gudigiisa iyado runta ay tahay in Isboortiga Soomaaliyeed maanta uu u baahanyahay Badbaado dhan kastaba leh,waxaan la khashan doona Dawladda iyo gudiyadda ku hawlan Isboortiga in taageero lala garab istaago Gudiga Mideynta Isboortiga.
↧
DR.CALI CUSMAAN “HAMBALYO GUDDIGA ISBOORTIGA EE VIRGINIA” + Sawiro.
↧