Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

xaq ma uleeyahay gudomiye c/raxman ciro inuu labada xil isku hayo?,By: aadan axmed cilmi

$
0
0

xaq ma u leeyahay gudoomiya golaha wakiiladu inuu xilka sii hayo madama oo uu urur ka noqday madax waa dooda ay dadweynaha reer somaliland iyo cidkasta oo danaysa siyasada somaliland iyo harumarkeeda  ka doodi karaan waxana iska waydiin karaan.
 
hadaan qodobka hoos ugu daadego bili aadam ka markiisa hore waxa kala haga sharci uu ilahay u soo dejiyay markii uu abuuray oo maslaxadooda aduun iyo aakhiro 2 daba u sharxaya kaas oo ilahay umad kastaba uu ugu wakiishay rasuul uu markaas u soo diray oo iyaga ka dhashay luqadoodana ku hadlaaya , taas marka laga yimaad ee sideeda loo qaato waxaa iyana raaca umad kastaa wixii ay ku heshiiyaan ee ay markaas ku darsadaan noloshooda ayay ku kala baxaan markay arin isku qabtaan si aanu qofna qof kale u dulmiyin xaqiisana u duudsiyin.
 
hadaynu nahay inagu reer somaliland waxaynu qoranay oo ku heshiinay oo isla qaadanay wax layidhaah Dastuur oo aynu dhamaan dadweynah reer somaliland majooritigiisa cod ku ogolaaday 97% ah , kaas oo qeexaya sida xukun ku u qaybsan yahay isagoo 3 qaybood ukala saaray , 1- fulin, 2- baarlamaan, 3- garsoor madaxbanaan. qaybkastana awoodeda ayuu siiyay.
 
hadaba markay sidaa tahay ee aynu nolosheenii illahay inoo til maamay inaguna ku heshiinay Dastuurkaas aynu qoranay waxaa haboon inaynu markasta oo muran yimaado u noqono shareecada islaamka iyo Dastuur kii aynu qoranay, islaamkuna waxa uu ina farayaa qodob odha naaya ( al muslimuun calaa shuruudihim ) islaam ku waa waxa uu ku heshiiyo hadii aanu shareecada ilaahay meel kaga dhacayn markaas ama aanu ka hor imanayn haday taasi dhacdo sidiisa ayuu u burayaa markaas qodobkaasi.
 
hadaba hadynu hoos ugu sii daadegno ta c/raxmaan ciro anigoo raacay marka ugu horey qodobka Datuurka uu qoraayo ee uu shaqadiisa x ubin nimo ku waayi karo ayaa waxa uu yahay sidan hoos ku qoran.
 
 
QODOBKA 50AAD
 
WAAYIDDA XUBINIMADA GOLAHA WAKIILADA
Xubinimada Golaha Wakuda waxa la waayi karaa haddii:
1. Xubintu geeriyooto ama uu ku yimaado xanuun suurto gelin waaya gudashada xilkeeda;
2. Xubintu istiqaalad dhiibto, iskeedna shaqada uga tagto; Goluhuna ka oggolaado;
3. Uu jabo shardi ka mid ah shuruudihii lagu soo doortay; ama uu gudan waayo xilkiisa;
4. Uu ku dhaco xukun ciqaabeed kama dambays ah oo maxkamad horteed kaga caddaaday;
5. Uu ka maqnaado Golaha 20 (Iabaatan) fadhi oo isku xiga idin la'aan
 
hadaba markay sidaa tahay ee aanu intaa midna lagu hayn wixii kale ee la yidhaah daaba waa ( la joojiyaana banaan la jiifiyaana banaan) taas waxaan uga jeedaa waa waxaan sharciyad adag oo meesha lagaga qaado loo hayn , hadaan iyana wax ka idhaah ta qabashada gudoomiye nimada ururku cusub ee c/raxmaan ma ku waayi karaa xubin nimada golaha iyo ta gudoominta baarlamaanka, maya ayaan leeyahay sababtoo ah marka laga yimaad taas kor ku xusan ee sharciyada dastuurku dhigayo  ee aanu jabin, waxa dalka laga furay oo la ogolaaday in la samaysto ururo cusub oo ku tartama goloyaasha deeganka ,markii la ogolaaday furashada ururada cusub ee labada goleba ansixiyeen markaasba waxaa meesha ka baxay dabarkii iyo xakamihii xubnaha golayaasha heer degmo iyo heer baarlamaan kaas oo in tii ansixintaas ka horeysay dabar ku noqonayay xubnaha oo qofku inuu fikir kiisa ku raaco iyo arag tidiisa mooyane aanu ka mid noqon karayn urur kale kaa laga soo dortay ee uu ku jiro mooyee , laakiin hada waxaa meesha timid ( nin kii banaayow lagu fasax ) iyo tartan, qodob cad oo u diidayaana ma jiro oo la raacshay in aanu xildhinaan ku urur cusub furan karin kana mid noqon karin ,xitaa xisbiyadii 3 da ahaa ee hore u jiray ayaa heerkii ay joogeen ee xisbinimo hoos uga soo dhacay oo yimid wax layidhaah ururo ilaa ay dib ugu guulay sanayaan golayaasha deegan ka laguma sheegi karo xisbi waayo kuwaas cusub ee hada uun lagu dhawaaqayo ayay la fil noqdeen ,
sababta ururada loo furayna markeeda horeba waxay ahayd in qofkasta oo muwadina uu xaq uleeyahay inuu waxna dooran karo lana dooran karo oo la siiyo xuquuqdisa dastuur oo inyar oo bulshada kamida ama kooxi ay xukun ka isu bed bedelin oo aanu iyaga uun ku wareegin oo la baladhiyo dimoqradiyada si uu qof kastaa uga bogto himiladiisana u xaqiijiyo taasna waxa siinaysa dastuur keena oo odhanaya sidan hoos ku qoran.
 
 
QODOBKA 23AAD
 
3. Muwaadiniintu waxay xor u yihiin in ay isu habeeyaan ururro siyaasadeed, cilmiyeed, dhaqameed, bulsheed, xirfadeed, ama kuwa shaqaale si waafaqsan xeerka.
4. Waxaa reebban urur kasta oo leh ujeeddooyin lid ku ah danaha ummadda ama qarsoodi ah ama Ieh qaab cudan ama hubaysan amaba kuwa kale ee khilaafsan xeerka weji kasta ha lahaadeene
 
waxaan leeyahay hadii meesha sharci jiro oo laracayana waa sidaa kor ku xusan, hadii xag xagasho iyo anba waan hadhee ila hadh  ilaa xiniyaha ayaa lays haysanayaa ay tahayna dee nin waliba nin haku dheganaado danba way isugu dhamaane!
 
aadan axmed cilmi 
khuurshe11@hotmail.com
 
Dublin Ireland
 
———————————
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>