Aniga oo ka wakiil ah qurba joogta reer Bristol ( United Kingdom) ee ka soo jeeda deeganka Odweyne ayaan halkan waxaan hambalyo uga diriyaa badhasaabka Cusub ee gobalka odweyne Yusuf ibrahm geedi ( Yamaarug) ee dhawaan madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Ahmed mahmed Mohamud Silaanyo u magacaabay jagadaasi. waxaana ilaahay uga baryayna inuu xilkaas balaadhan u fududeeyo. waxaan rejeynayaa inuu wax weyn ka tari doono kor u qaadista iyo kordhinta adeegyada asaasiga ah ee gobolka daad madheedh sida waxbarashada, cafimaadka iyo adeegyada kale ee gobolku u baahan yahay. waxaana rejeynayaa inuu uga faaiideyn doono aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisaba gobolka odweyne. waxaana ugu baqayaa dhamaan bulshaweynta degaankaas balaadhan ka soo jeeda ee gudaha iyo qurbaha jooga inay si weyn ula shaqeeyan maamulkaas madaxweynaha somaliland u soo igmaday gobolkaas daad madheedh.
Ugu danbeyntii, waxa la yaab leh in websiteyo xaaran cunayaal ah god hoostiisa ka soo qoraan aflagaadooyin ka dhan ah madaxda deeganka , waxaan uga digayaa websiteyada cadaystay inay horumarka kala dagaalaman dadka oo dano gaar ah u adeegan inay joojiyaan dacaayadaha raqiiska ah ee loo soo dhiibay ee ay masuuliyiinta iyo dhaqanka gobolka ka soo jeeda ee u tagan horumarintiisa mar marinayaan. waxaana idin leeyahay dadka wax kale u sheega oo ha ku daalina raga dhulkooda iyo degaankooda horumarkiisa ka shaqeynaya.
saeed abdullahi dualeh
Bristol, united kingdom
↧
Hambalyo badhasaabka gobolka odweyne iyo cambarayn websityada madaxda beenta loo soo dhiibay ka qoraya.By: saeed abdullahi dualeh
↧