Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Wararkii ugu Danbeeyey Ee Alshabab iyo Ciidamada Kenya

Afhayeenka howgalada Alshabab Cabdicasiis Abu Muscab  ayaa sheegay mar u shir jaraa’id ku qabtay deegaanka Ceelasha Biyaha  inay diyaar yihiin ciidamadii ka hortagi lahaa duulaanka Kenya.
“Waxaan dhameystirnay ururinta xogaha ku saabsan tayada iyo tirada ciidamada Kenya ee dalkeena kusoo duulay, waxaan qaadaynaa tallaabo adag si aan uga hortagno duullaanka ay dowladda masiixiga ah ee kusoo dalkeenna,  in ciidamo badan oo Alshabab ah loo daabulay dhanka Jubbada Hoose ayna iska cabin doonaan ciidamada Kenya. ” ayuu yidhi Abu Muscab.
Dowladda KMG ee soomaaliya ah ayaa sheegtay in wadamada jaarka la ah Soomaaliya ay xaq u leeyihiin inay iska dhiciyaan cidkasta oo kaga soo xadgudubta gudaha Soomaaliya.
Dhinaca kale Dowladda Kenya ayaa Axadii ciidamo boqolaal ah galisay gudaha Soomaaliya si ay ula dagaalanto Alshabab oo ay ku eedeysay inay ka dambeysay afduubyo dhowr ah oo Kenya laga fuliyay, halkan hoose ka daawo shir jaraa'id ay dowlada kenya qabatay:–


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles