Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa saaka waabarigii guluf dagaal oo ballaaran ku qaaday degmada Dayniile oo aheyd degmada sida kaliya ee Shabaabka ku xooganaayeen.
Dagaal goos goos ah ayaa hada waxaa uu nawaaxiga xarunta degmada ku dhex marayaan Ciidamada dowladda kuwa Amisom oo dhinac ah iyo Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda ay galeen degmada Dayniile.
Wararka ayaa intaa ku daraya Ciidamada Brundi ay saaka si efandari ahaan labo jiho kaga soo dhaqaaqeen Dayniile, gaar ahaan dhanka Ifka Xalane oo ay ka soo galeen Xaafadaha Gubta.
Sidoo kale dhanka wasaaradii gaashaandhiga ayaa waxay kaga dhaceen dhinaca Xaafadaha Damaanyo iyo Ceel-tusbaxle, iyadoo saaka waabarigii dagaal culus halkaas ka dhacay.
Lama oga qasaaraha dhabta ah ee uu geystay dagaalka, hase ahaatee waxaa laga yaabaa in qasaare uu sababo, maadaama dad rayid ah ay degmadu degenaayeen mudooyinkan.
Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ayaa la wareegitaankooda u ah mid muhiim ugu ah deegaanada loo barakacay, gaar ahaan wado qarda-jeex ah oo bacaad ka baxda halkaas, oo tagta deegaanka Garasbaaley, waxayna Shabaabka wadadan u noqon kartaa mid ka go’da isku xirkii Muqdisho iyo deegaanada loo barakacay.
La soco wixii ku soo kordha
↧
WAR DEG DEG: Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo guluf dagaal saaka ku qaaday Dayniile
↧