Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Wefti Faransiis ah oo uu hogaaminayao Safiirka France ee Jabuuti oo manta Madaxweyne Siilaanyo Qasariga Madaxtooyadda ku qaabilay

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta qaabilay wefti ka socday dalka Faransiiska oo socdaal rasmi ah ku yimid dalka.
Madaxweynaha Somaliland wuxuu weftiga uga waramay xaaladda dalka, waxaanu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed maanta uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Somaliland  Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti Saddex xubnood ka kooban oo ka socda Dawladda Faransiiska oo uu hogaaminaayo Safiirka u fadhiya Dalkaas, Jamhuuriyada Jabuuti, Ambassador Rene Forceville.
Safiirka  ayaa ujeedada Socdaalkooda ka waramay waxa uu sheegay in ay tahay sidii loo kobcin lahaa ee kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya labada wadan ee Somaliland iyo Faransiiska.
Safiirku waxa u sheegay in ay Dawladiisu danaynayso in ay Somaliland ka caawiso dhinaca horumarka iyo kobcinta Ganacsiga Gaarka ah.
Madaxweynaha Somaliland  Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Weftiga uga waramay Xaaladda nabad-gelyo ee Dhabta ah ee Somaliland.
Madaxweynuhu waxa u sheegay in Somaliland ku guulaysatay Adkaynta Badda iyo Berigaba haatana ay u xaydan tahay inay ku talaabsato horumar dhan walba leh.
Madaxweynuhu waxa uu soo dhaweyey imaantinka Weftiga Faransiiska waxaanu dawlada Faransiiska iyo Beesha Caalamkaba ka dalbaday in ay Somaliland ku gacan qabtaan Dedaalkeeda ay la timid.
Dhinaca Somaliland waxa Madaxweynaha Kulankan ku wehelinayey Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo  Horumarinta Dr. Sacad Cali Shire & Wasiiru Dawlaha Arrimaha Debeda Dr. Maxamedrashiid Sheekh Xasan
Dhinaca Weftiga waxa Safiirka kulankan ku wehelinayey
1.      Renu Morechaux, Director, Ministery of Defence of France
2.      Alexdener Jabet, First Sect, at French Embassy in Djibouti.”
Source-waaheen


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>