Kadib markii Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom ay madaafiic xoogan ku garaaceen degmada Dayniile, ayaa waxay khasaarooyin kala duwan ka soo gaareen Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ee degmadaasi ku sugan.
Laba ka tirsan Ciidamadda Al Shabaab ayaa dhintay, seddex kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo, kuwaa oo caawa laga soo qaaday dhinaca degmada Dayniile, isla-markaana waxaa la-soo gaarsiiyay deegaanka Ceelasha Biyaha.
Ciidamadda Amisom ayaa waxay caawa madaafiic aad u culus ay ku garaaceen degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, waxayna madaafiicdu ay dhalisay khasaarooyin kala duwan oo ka soo gaaray Ciidamadda Xoogaga Shabaab.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamadaan la-dhigay cisbitaal ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha, oo ay gacanta si toos ah ugu heyso Xarakada Al Shabaab, halkaasoo lagu daaweynaayo ciidamadda ay dhaawacyadu soo gaareen.
Arintaan ayaysan caawa ka hadlin Xarakada Al Shabaab, laakiin waxaa dhici kareysa in waqtiyada inagu soo aadan ay si weyn uga hadasho, maadaama ay degmada Dayniile kula dagaalameyso Dowladda iyo Amisom.
Degmada Dayniile ayaa waxaa maalintii seddexaad oo xiriir ah ku soconeysa duqeymo aad u xoogan, kuwaa oo laga soo ridaayo saldhigyada ay Ciidamadda Amisom ku lee-yihiin qeybo ka mid ah magaaladda Muqdisho.
↧
Meydad iyo dhaawacyo ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo caawa la-geeyay Ceelasha Biyaha
↧