Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Itoobiya oo sheegtay in ay ka fiirsanayso in ay Ciidamo u soo dirto Soomaaliya.

$
0
0

Wararka ka imaanaya magaaladaAddis Ababaee xarunta dalka Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in dowladda Itoobiya ay shaaca ka qaaday mar kale inay ka fiirsaneyso inay ciidamo u dirto mar kale gudaha dalka Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ahna Ra’isul wasaare ku xigeenka Itoobiya Hayle Maryan  ayaa sheegay inay ka fiirsanayaan ciidamo ay u diraan Soomaaliya, inkastoo uu sheegay inay qorsheynayaan sidii ay ugu biiri lahayeen howlgalka Kenya ay kula dagaalameyso Xarakada  Al-shabaab, wuxuuna intaasi ku daray inay Al-shabaab ka saarayaan dalka Soomaaliya oo dhan sida uu yiri.
“Al-shabaab dhibaato ayey ku hayaan guud ahaan gobolka gaar ahaan wadamada deriska la ah Soomaaliya, sidaas dareteed waan taageersanahay howlgalkaKenyaee Soomaaliya, waxaana ku dedaali doonaa inaan gacan ka geysano, inkastoo aan ka fiirsan doono inaan ciidamo u dirno Soomaaliya” ayuu yiri Hayle Maryam oo warfidiyeenada kula hadlay magaaladaAddis Ababaee xarunta dalka Itoobiya.
Wasiirku waxaa kale oo uu sheegay in dalalka ku midoobay IGAD marka laga reebo sida uu yiri Eretrae ay ku heshiiyeen inay ciidamo u diraan Soomaaliya si buu yiri ay uga qeybqaataan dagaalka lagala soo horjeedo Xarakada Al-shabaab.
Mr. Hayle Maryan ayaa howlgalkaKenyaay ka wado Soomaaliya waxa uu ku tilmamay mid dhabaha u xaari karta xasilooni ka dhalata Soomaaliya, wuxuuna intaasi raaciyey in beesha caalamka ku taageerto qorsha ay ciidamada ku geynayaan dalalka IGAD gudaha dalka Soomaaliya.
Dowladda Itoobiya ayaa gudaha dalka Soomaaliya hore waxay ugu soo daabushay ciidamadeeda, kuwaas oo gacan sinayey dowladdii uu hogaaminayey Col. C/laahi Yuusuf ee lagu soo dhisay dalka Kenya sanadkii 2004-tii, hase ahaatee waxay dagaalo qaraar isaga horyimadeen xoggagii kasoo horjeeday soo gelitaanka cidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya sida xoogga ah ku soo galay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles