Madaxweyne Shariif iyo Abaanduulaha ciidamada Gen Dhagabadan
Muqdisho (RBC) Tan iyo markii maalintii shalay [24.10.2011] uu madaxweyne Shariif shaaca ka qaaday in DKMG aysan raali ka ahayn in ciidamada wadanka Kenya ay soo galaan gudaha Soomaaliya ayaa waxaa si weyn loo hadalhayaa hadalada isburinaya ee ka soobaxaya masuuliyiinta DKMG Soomaaliya dhexdooda.
18-kii Bishan Oktoobar, waxaa Muqdisho booqasho ku yimid wafdika kooban labo wasiir oo ka socda dawlada Kenya. Wasiiradaasi waxay kala ahaayeen wasiirka gaashaandhiga Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji iyo wasiirka arimaha dibadda Kenya Moses Wetangula, waxayna labaduba kulamo la qaateen madaxweynaha DKMG Sheekh Shariif, raysul wasaare C/weli Gaas iyo wasiirka difaaca Xuseen Carab Ciise.
Kulankaasi ka dib waxaa labada dhinac ay wada saxiixdeen heshiis iskaashi militari ah kaasoo qeexaya in labada dawladood ay iska kaashadaan la dagaalanka Al-Shabaab.
Dhageyso wasiirka gaashaandhiga DKMG Xuseen Carab oo ka hadlaya heshiiskaasi
Xuseen Carab Ciise
Sida ka cad hadalka wasiirka, DKMG way ku qanacsaneyd heshiiskaasi iskaashiga ah, Waxaana sida wasiirku sheegayo si buuxda u taageeray madaxweyne Shariif iyo raysul wasaare C/weli Gaas.
Dawlada Kenya waxay iyana dhankeeda sheegtay in ciidamadeeda ay gudaha Soomaaliya galeen si ay ula dagaalamaan kooxda Al-Shabaab oo ay ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen afduubyo isku xigay oo laga geystay gudaha wadankaasi.
24-kii Oktoobar, ayaa madaxweynaha DKMG Sheekh Shariif wuxuu shaaca ka qaaday hadal dad badan ka yaabiyey kadib markii uu sheegay in Dawladu aysan la socon soo gelida ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya isla markaana dawlada iyo shacabka aysan raali ka ahayn.
Dhageyso hadalka Sheekh Shariif
Haddaba su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay, ma DKMG Soomaaliya ayaan fahmin sheekada mise madaxweyne Shariif iyo xukuumadu iskama warqabaan oo nin kasta wuxuu rabo ayuuku hadlaa?.
RBC Radio
Xafiiska wararka Raxanreeb, Muqdisho
↧
Hadalheynta Qaranka: Dhageyso Codad Isburinaya oo ay Jeediyeen Madaxda DKMG Soomaaliya
↧