Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Bannaanbax ka Dhan ah Sheekh Shariif oo Maanta ka Dhacay Dhoobley (Sawirka Sheekh Shariif oo la Gubay)

$
0
0

Dhoobley (RBC) Bannaanbax ballaaran oo ka dhan ah hadalkii madaxweynaha DKMG Soomaaliya Sheekh Shariif uu ku sheegay in dawladu aysan raali ka ahayn soo gelitaanka ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.
Bannaanbaxan oo ay ka soo qeybgaleen dadweyne fara badan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan ururka Raskambooni iyadoo saraakiishaasi ay si kulul u dhaleeceeyeen hadalka madaxweynaha uu ku weeraray faragelinta ciidamada Kenya.
Haween iyo dhalinyaro ayaa markii dambe socod ku maray magaalada Dhoobley dhexdeeda iyagoo ku dhawaaqaya ereyo ay ka mid yihiin “dooni meyno Shariif, dooni meyno Shabaab”.  Waxayna dadku sheegayeen in hadalka Sheekh Shariif u la mid yahay sidii inuu taageero u yahay kooxda Al-Shabaab oo dadka deegaanka hore dhibaatooyin fara badan ugu geystay.
Dadkaasi oo ay ka muuqatay caro ayaa gubay sawirka madaxweyne Shariif waxayna gacmaha ku siteen calamada Soomaaliya iyo Kenya.
Odayaasha Jubbooyinka oo shir jaraa’id qabtay
Dhanka kale odayaal ka soo jeeda gobolada Jubbooyinka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaarisa ayaa si kulul u dhaleeceeyey madaxweynaha DKMG Soomaaliya, waxayna odayaashaasi madaxweynaha ku tilmaameen nin aan kala garan xaalada dalka ka jirta iyo inuusan rabin in Al-Shabaab laga guuleysto.
Waxay odayaashu ugu baaqeen in masuuliyiinta ka soo jeeda Jubbooyinka ee ku jira xukuumadda ay iscasilaan.
Arimahan ayaa ku soo beegmay maalin ka dib markii uu madaxweyne Shariif  hadal uu ka jeediyey Muqdisho ku sheegay in dawladu aysan raali ka ahayn soo gelitaanka ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya.
RBC Radio


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles