Galkacyo(Puntlandi.com);- Gaadiidkii uu lahaa Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ayaa waxaa soo wajahay dayac baahsan oo sababay in ay dhex yaalaan qaar ka mid ah geerashyada baabuurta ee magaalada Gaalkacyo.Ilaa iyo afar ka mid ah baabuurtii ugu dambeysay ee loo keenay in ay ku shaqeeyaan Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ayaa dayactir la’aan u fariistay iyagoo uu ka muuqdo burbur loo geystay.
Gaarigani waa kii ugu dambeeyay ee loo keeno Ciidanka Booliska Gobolka Mudug, waa gaari nooca ay Soomaalidu u taqaan xaajiyada ama istooda oo nooceedu yahay (Hilux) gaarigani isaga oo shaqeynaya ayaa waxaa xabad matoorka uga dhuftay askari ka tirsan Booliska, xabaddaasi oo sabab u noqotay in uu gaarigaasi fariisto kaddib markii ay xabadu kaga dhacday matoorka.
Waxaa isaguna jira gaari noocan oo kale ah kaasi oo shil ku galay inta u dhaxeysa degmooyinka Gaalkacyo iyo Galdogob kaddib markii ay isku dhaceen gaari kale oo wadada marayay, waxaana gaarigaasi soo wajahay burbur kasoo gaaray oogada sare ee gaariga iyo qeybaha matoorka qaarkood oo uu soo gaaray dhaawacyo muuqda hase yeeshe wax laga qaban karo gebi ahaanba dhibaatada soo gaartay gaarigaasi loo keenay in ciidamadu ugu shaqeeyaan shacabka Gobolka Mudug.
Sidoo kale gaarigani xaajiyada ah waa mid kale oo ka mid ahaa gaadiidka Booliska Gobolka Mudug wuxuu ka mid ahaa gaadiidka lagu soo qaado dambiilayaasha la soo eedeeyo ee jooga xaafadaha magaalada Gaalkacyo, waxaa gaarigani ay dhibaato ka heysataa dhinaca lugaha hore kaddib markii lagu dhuftay darbi, waxaa sidoo kale jabtay muraayada hore ee gaariga.Cilladaha gaadiidkani burburiyay ayaa intooda badan loo sababaynayaa in ay ka dambeysay kaddib markii gaadiidkani wadayaal ama darawallo looga dhigay dad aan aqoon durugsan u lahayn wadista gaadiidka iyadoo qaar ka mid ah wadayaashaasi lagu soo eedeeyay in ay gawaarida ciidanka u wadaan si kheyru mas’uulnimo ah oo burbur iyo cimri deg deg ku ridaya gaariga, maadaama loogu talo galay hantida dowladda in shacabka loogu shaqeeyo haddana Booliska Gobolka Mudug ma aysan suurta gelin arintaasi.
Kani waa mid kaloo ka mid ah gaadiidka Booliska Gobolka Mudug ee ay muddooyinkii dambe ciidanku isticmaalayeen, waxaa gaarigani laga keenay Xerada Tababarka Booliska Puntland ee Carmo, wuxuu shaqeynayay muddo kooban, wuxuuna haatan ku jiraa geerash iyadoo aysan jirin cid wax ka qabatay wuxuuna u fadhiyaa qalab la awoodi karo in loo gado.
Illo xog ogaal ah ayaa RAADRAAC u sheegay in gaadiidkani mid kasta uu u fadhiyo dhaqaale aan ka badneyn $900 doolar.
Taliska Booliska Gobolka Mudug wuxuu qaataa dhaqaale mushaar ciidan, dhaqaale xafiiseed iyo mid gaadiidka loogu talo galay in lagu dayactiro, dhaqaalahaasi oo aan ilaa iyo iminka wax looga qaban gaadiidka dayacan ee dhexyaala geerashyada magaalada qaarkood.
Booliska ayaa haatan aan ka jawaabi karin dhacdo kasta oo si deg deg ah magaalada uga dhacda maadaama aysan heysan wax gaadiid ah, sidoo kalena ay ka gaabiyeen in ay dayactirtan gaadiidka ka fadhiya oo ay wax walba ku qabsan karaan haddii ay hagaagsadaan.
Qoraalkan waxaa daabacay Wargayska RAADRAAC oo ah Todobaadle ka soo Baxa Magalada Galkacyo.
Wargeyska RAADRAAC@gmail.com.
↧
Xaggee Ku Dambeeyeen Gaadiidkii Booliska Gobolka Mudug?.(Sawiro)
↧