Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Uma arko xuquuq ay heleen, sidaa daraadeed uma hambalyeynayo. Waanse u duceynayaa in Alle tuso, kuna toosiyo waajibkaa la saaray ee muddan in siduu yahay loo xambaaro.By: Axmed-Keyse Cali Rooble

$
0
0

 
Mudo dheer ayey dhalinayradu qaylinaysay, ayna quud dareynayeen in
qaybtooda laga siiyo xilalka qaranka. Waayo, way qaadi karaan. Meelaha
qaarkoodna, waxayba u eegtahay in iyaga cid uga qumani aanay
jirin.Wakhti ayey qaadatay sidii loola qaadan lahaa fikirkan. Waayo,
waxay bulshadu ku dhisantahay fikir gaboobay oo ah ”qof yar tallo ha
weydiin”.
 
Dhanka kale marka laga eegana, xilalka qaranka ayaaba iska noqday
meelo laysaga shaqo tago, meherad ahaana loo isticmaalo. Laysna
aaminsiiyey, in qofka weyni uga baahi badan yahay ka yar. Waayo,
masruuf badan ayaa laga rabaa, ka yar’se waxaaba la arkaa in cid wax
ka sugeysa aanay jirin! Waana meelaha musiibaddu inaga haysato. Waana
arin keentay in aan noqono bulsho fadhiid ah.
Si kasta oo ay tahay, dhalinyaraddu ma quusan, wakhti dheer ayeyna ka
dhursugeyeen bal in fikir kan dhaama uu mar uun ku dhalan doono da’
weynta; ayna dadka iyo dalka u daneyn doonaan. Waayo, waxay
dhalinyaradu dareensanyihiin, in dal lagu dhisi karo caqli cusub.
Wakhtigan maanta la joogana ayba tahay waajib, in caqli cusub la
helaa. Waayo, dunidda maanta lagu nool yahay ayaa ah mid deg deg isu
bedelaysa, kuna shaqeynaysa hab iyo hanaan casri ah.
Waase Alle mahaddii, haddii maanta la gartay arintan oo ay
amaanteedana leeyihiin dhalinyaradii isku hawshay, iyo wakiiladii
hagar la’aanta u meel mariyey.
Waxaase layaab igu noqday dareenadda dadka qaar ka bixiyeen wax ka
bedelka xeerkan lagu sameeyey. Kuwaas oo muujiyey dareen werwer, iyo
kalsooni laa’aan ay ka qabaan dhalinyarada; iyagoo ku doodaya in
da’dan 25 jirku tahay mid aan masuuliyad qaadin karin.
Ma garan karo meel aan ka keenay fikirka odhanaya 25 jir waa qof yar
oo aan masuuliyad qaadi karin. Dhaqankeena miyi waa mid laga
dheregsanyahay wakhtiga uu qofku gaashaan qaadka ku noqdo.
Ninkii gabyey waa kii lahaa:
Wiil laba iyo tobban jiray, hadduu lali ahaan waayo,
Marti laylka timi, haddu luun ka roggi waayo,
Ragganimo ludeed kuma mudnee, liilye hala ogaado!
Dhanka kale, dhaqanka magaalo ee bulshooyinka dunidda ku dhaqanina,
wuxuu dhigay in 18 jir loo doodrto baarlamaan.
Hadal iyo gun, waxay ila tahay in aan dhalinyaradda la shaqeyno,
dhisno wacyigeeda, tusnana waajibka ummaddeed ee laga rabo. Haddii aan
intan ku guuleysano, waxaa hubaal ah in mustqabal fiican aan gaadhi
karno.
Axmed-Keyse Cali Rooble
Ahmed.roble@gmail.com 
 
—————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>