Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

RW Gaas: Kenya Waa ay Joogi Kartaa Gudaha Somalia Dhegayso

$
0
0

Maalin kadib marki isaga iyo madaxweynaha ay si isku mid ah Muqdisho uga sheegeen in ay kasoo horjeedaan in Kenya ay fara gelin ku sameyso soo galitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya ayuu ka laabtay go,aankaasi ra’isulwasaare C/wali Maxamed Cali.
Wareysiyo isu ekaa oo uu kala siiyey idaacadaha BBC-da iyo VOA qeybahooda afka Soomaaliga ku hadla ayuu ku sheegay go,aankiisa ugu danbeeyo ee ku wajahan arrinta maalmahan xasaasiyada ka kicisay dalalka Kenya iyo Somalia ee ah in ciidamada Kenya ay soo galaan carada Soomaaliya.
Ra’iulwasaaraha wuxuu si cad u sheegay in ay qalad tahay in la yiraahdo ciidamada Kenya masoo gali karaan Soomaaliya ama in la yiraahdo Kenya ayaa kusoo duushay Soomaaliya, isaga oo taasi badalkeedana tilmaamay in ay ku joogaan ciidamada Kenya rabitaanka Dowlada KMG Soomaliya.
Waxa uu sheegay in iyada oo laga amba qaadayo shirki dalalka IGAD ee ay Soomaaliyana qeyb ka aheyd ee sanadki 2010 ka dhacay Itoobiya ay kasoo baxeen in Soomaaliya laga taageero dhinaca milatariga si AL Shabab loo wiiqo awoodeeda.
Mr Abdiwali ayaa ku cel celiyey in dowlada KMG Soomaaliya ay ralai ka tahay in ay ciidamada Kenya soo galaan Soomaaliya, isaga oo ujeedkana ku tilmaamay in ay la dagaalamaan Al Shabab.
Ugu danbeynti waxa uu sheegay in dalalka Kenya iyo Soomaaliya ay ku heshiiyeen in ay iska kaashadaan la dagaalanka burcad badeedka iyo Al Shabab, sidoo kalana ay is dhaafsadaan arrimaha la xiriiro xogta iyo warbixinada.
Hadalkaan ayaa waxaa aad ula yaabay dadka Soomaaliyeed, oo shalay dhageystay warki ay sida wada jirka ahaa uga soo saareen isaga iyo madaxweynaha Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku diideen fara gelinta ciidamada Kenya.
Riix Halkan Waraysi uu Laanta Af Somaliga ee VOA-da Siiyay Dhegayso  
 
Jawaabtii Madaxwayne Shariif
Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhex galay Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmad iyo Ra’iisul wasaare C/weli Maxamad Cali (Gaas) kaasoo sababay in farfar ku fiiq uu ka dhex dilaaco labada masuul ee dowladda soomaaliya
Raisul wasaaraha ayaa bedelay mowqifkiisa ku aadanaa ciidamada dowladda Kenya ee fara gelinta ku haaya gobolada soomaaliya isaga oo Gaas hadalo kala duwan uu ka shaaciyay qeybaha kala duwan ee warbaahinta soomaaliya
Madaxweynaha Somaliya Shariif Axmed ayaa Beesha Caalamku aad ula Yaabtay sida uu ugu Deg Degay Hadalkii uu dhawaan warbaahinta ka sheegay ee ahaa in Kenya ay ku Xad Gudubtay Xuduudaha Somaliya, taasi oo Gabi ahaanba meesha ka saaraysa Hashiiskii dhowrka qodob ahaa ee ay wada Gaadheen Wasiiradii ka socda Dowlada Kenya iyo Somaliya.
Wasiirka Gaashaandhiga Dalka Kenya  General Yuusuf Xaaji ayaa Laanta Sawaaxiliga ee BBC-da Waraysi uu siiyay ku sheegay in Madaxwayne Shariif uu Yahay in xidhiidh dhow laleh Kooxaha Canaasiirta ah ee Al-Shabaab isla markaana aanu Dib u Fiirin Hashiiskii ay Dowlada Kenya iyo Somaliya ku wada Gaadheen Dalka Somaliya Gaar ahaan Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee khilaafka soo kala dhex galay labada Masuul ayaa Durbadiiba gaaray Qaramada Midoobay iyo dowladaha taageersan in Ciidamada Kenya gobolada soomaaliya la geeyo hayeeshee ay Qaramada Midoobay baaq deg deg ah usoo dirtay Sheikh Shariif iyo Ra’iisul wasaaraha in ay joojiyaan guuxa hoose
Ugu danbeyntii ismaan-dhaafka u dhexeeyo Labada Masuul ayaa laga yaaba in uu sababo in dowladda soomaaliya laga jaro xiriirka dowladda Kenya maadaama la fashiliyay sirtii ka dhexeysay madaxda Kenya iyo Soomaaliya oo iyadu lagu ansaxiyay magaalada muqdisho dhowrkii cisho ee lasoo dhaafay
GalGalanews.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>