Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Hadalka RW ee ku saabsan in ciidamada Kenya ey joogi karaan dalka SOmalia oo amagaag iyo la yaab ku abuuray shacabka Soomaalyeed.

$
0
0

Shacabka Soomaaliyeed ayaa amakaag iyo la yaaab ka muujiyey hadal ka soo hojeeda kii madaxweyne Shariif ee ku aadan qabsashada ciidamada Kenya ee degmooyin ka tirsan dhulka Somalia ee muqadaska ah.

R/Wasaaraha oo wareysi siiyey idaacada VOA-da ayaa sheegay wax u eg inuu u ogol yahay ciidamada Kenya iney soo geli karaan dalka Somalia isagoo burinaya hadal ey si wadajir ah u soo saareen isaga iyo madaxweynuhu maalin uun ka hor.

Ra’iulwasaaraha wuxuu si cad u sheegay in ay qalad tahay in la yiraahdo ciidamada Kenya masoo gali karaan Soomaaliya ama in la yiraahdo Kenya ayaa kusoo duushay Soomaaliya, isaga oo taasi badalkeedana tilmaamay in ay ku joogaan ciidamada Kenya rabitaanka Dowlada KMG Soomaliya.
Waxa uu sheegay in iyada oo laga amba qaadayo shirki dalalka IGAD ee ay Soomaaliyana qeyb ka aheyd ee sanadki 2010 ka dhacay Itoobiya ay kasoo baxeen in Soomaaliya laga taageero dhinaca milatariga si AL Shabab loo wiiqo awoodeeda.

Mr Abdiwali ayaa ku cel celiyey in dowlada KMG Soomaaliya ay ralai ka tahay in ay ciidamada Kenya soo galaan Soomaaliya, isaga oo ujeedkana ku tilmaamay in ay la dagaalamaan Al Shabab.

Su'aashu waxey tahay IGAD ma ogolaan karaan Kenya iney soo gasho Somalia?

Su'aasha jawaabteedu was mid cad iyadoo IGAD eysan  u ogolaan karin Kenya iney soo galaan dalka Somalia. Sidoo kale waxaan Kenya u ogolaan karin iney Somalia soo galaan R/Wasaaraha xattaa haddii uu doonayo. Cidda kaliya ee ogolaan kara iney ciidamada Kenya dalka soo galaan waa Barlamanka Somalia oo ka ambaqaadaya rabitaanka shacabka Somaaliyeed.

Haddii dowladda KMG ah khaasatan dowladda Dr. Gaas oo ku adkeystaan in ciidamada Kenya soo galaan degaana dalka SOmalia dadka shacabka soomaaliyeed waxey geli doonan liiska kuwa gatay dalka SOmalia iyada oo aan la isaga hari doonin. Horey ayaa qolooyin hore uga iibiyeen dowladda Kenya qaar kamid ah badda Somaliya qoladana waxey lagu eedeyn doonaa iney iibsadeen bariga Somalia iyadoo ciidamada Kenya haatan ugu jiraan bariga iyo badda Somalia illaa iyo 90 Kilomitir iyadoo lagu arkay doomaha ciidamada Badda ee Kenya meel aan sidaasi ugu fogeyn Baraawe.

Ciidamada Kenya ayaaa haatan gudaha jira dalka SOmalia muddo 10 maalmood ah qormadan iyagoo argagax ku abuuray shucuubtii soomaaliyeed ee deganaa degaanada ey qabsadeen iyadoo dadkii xoolo raacada ahaa ka la carareen xooladooda iyagoo ka baqaya dagaalo laga hortago ciidamada sawaaxiliga Kenya ee ku soo duuulay dalka Somalia.

Odayaasha dhaqanka Somaliyeed ayaa ugu baaqay dowladaha mareykanka iyo faransiiska iney u gacan gelin SOmalia ciidamada dalka Kenaya iyagoo u taliyey in haddii ey cid ka caawinayaan dhanka hawada ey caawiyaan ciidamada dowladda KMG ah ee SOmalia ee ku sugan degaanka sida loo caawiyey kacdoonkii Liibiya ee la wareegay dalkooda iyada oo aan ciidamo shisheeye soo galin dalkooda.

Halgankanet@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>