Hay’adda Bisha Cas ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta deeq macaawino ah u qeybisay qoysas dhan Afar kun kuwasa oo ka soo barakacaya qeybo ka mid ah Gobollada dalka.
Deeqdaan macaawinada ah oo ka koobneyd raashiinka qeybihiisa kale duwan ayaa maanta hay’adda Bisha Cas ee dalka isutagga imaaradaka carabta waxa ay u qeybisay afar kun oo qoys kuwas oo ku sugnaa xerada Rajo.
Goobta lagu qeybinayay deeqda gargaarka ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda Beeraha iyo xanaanada xoolaha C/llahai Xaaji Xasan, madaxd ka socotay hay’adda bisha cas ee imaaraadka iyo mas’uuliyiin kale.
Ugu horeyntii waxaa goobta ka hadlay agaasimaah ugu sareeya hay’ada bisha cas ee dalka imaaradaka Maxamed khaliifa Alqamsi isagoo tilmaamay in barnaamijkaan uu qeyb ka yahay macaawino ay dowladda imaaradaka ugu talagashjay inay ku caawiso dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan waxa una hoosta ka xariiqay in ay sii wadi doonaan macaawinada nuucaan oo kale ah.
Sidoo kale wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha iyo beeraha oo isna ka hadaly xerada Rajo ayaa uga mahadceliyay hay’adda bisha cas ee imaaradaka sida ay uga qeyb qaadaneyso taakuleynta dadka barakacayaasaha iyo mashaariicda lagu horumarinayo dadkaasi si ay dib ugu laabtaan deegaanadii ay ka soo hayaamdeen.
Xerada Rajo oo ah xeradii labaad oo ay yagleesho dowladda KMG ah ayaa waxaa ku nool qoysas barakacayaal ah kuwaas oo ka soo barkacay qqeybo ka mid ah Gobolladda dalka kadib markii ay ku dhufteen abaaraha.
Photo By Maxamed C/qaadir Daahir ” MCD”
↧
Hay’adda Bisha Case Oo Raashiin U Qeybisay Barakacayaal “Daawo Sawirro”
↧