Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Qodobo ka soo baxay kulankii Madaxda Somaliya iyoKenya

$
0
0

Nairobi(GMN)-Shirjara’id oo si wada jir ah Magaalada Nairobi ee dalkaKenyaay kuwada qabteen madaxda dowladaha Soomaliya iyoKenyaayaa waxa ay ka soo saareen qodob la xiriira arimaha soomaaliya.
Qodobada kulanka ka soo baxay ayaa waxaa ka mid ahaa in labada dal ay iska kaashadaan la dagaalanka Al-shabaab.
Sidoo kale qodobada isla kulanka ay kasoo saareen Gaas iyo Odiga ayaa waxaa ka mid ahaa in koonfurta Soomaaliya loo diro ciidamada AMISOM marka Kenya ay ku guulaysto in shabaab ay ka cirib tiro gobolada Jubooyinka.
Isla shirjara’id oo ay wada qabteen labada masuul  ayaa waxa ay ku sheegeen in laga maarmaan ay tahay in goobaha shabaab laga saaro la gaarsiiyo Gurmad isla markaanaKenyaay sii wada la dagaalanka shabaab ee Gudaha Soomaaliya.
Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo saxaafada wax ay ka weydiisay su’aal la xiriirtay khilaaf u dhaxeeya madaxweynaha iyo asiga oo la xiriira faragalintaKenyaee soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in madaxda dowlada ay ka mideysan yihiin in shabaab lala dagaalamo.
Gaas ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu u soo dirayKenyaisla markaana taa ay muujinayso in madaxda soomaalida ay ku wada qanacsan yihiin inKenyaay soo gasho ciida soomaaliya.
Maalin ka hor ayaa dalkaKenyawaxaa socdaal ku tagay reysulwasaaraha soomaaliya Cabdiwali gaas iyadoo ay soo baxayeena wararka kale duwan ee ka soo baxayey madaxda dowladaha soomaaliya iyoKenya. oo la xiriirta ciidamada kenyanka ah ee soo galay ciida soomaaliya.
Mar hadii madaxda dowladahaKenyaiyo soomaaliya ay ka kulmeen CiidamadaKenyaee soomaliya ku sugan ayaa laga war sugayaa sidii ay meesha ugu bixi lahayeen madmadowga u dhaxeyaKenyaiyo Soomaaliya Shariif Iyo Gaas
Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>