Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Madaxweynaha Puntland Oo Sheegay Dilalkii Ugu Dambeeyay Ee Ka Dhacay Gaalkacyo In Ay Ka Dambeeyeen Al-Shabaab (Dhageyso)

Garoowe (RBC) Madaxweyne Cabdi Raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo maanta ka hadlaayay fadhi xildhibaanada Puntland ay ku yeesheen Magaalada Garoowe ayaa sheegay dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Gaalkacyo in ay ka dambeeyeen Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama koonfurta Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa khudbadiisa waxa uu kaga hadlay arrimaha Amaanka iyo Siyaasada,
Mar uu ka hadlaayay xagga amaanka waxa uu sheegay in ay jiraan kooxo badan oo ku soo dhuuntay dhinaca deeganada Puntland kuwaas oo xiriir la leh Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo amaanka deeganada Puntland lagana hortago qorashayaasha ay wadaan kooxaha carqaladeenaya amaanka deeganada Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay dhinaca siyaasada in meel fiican laga gaaray, isagoo sheegay in dowlada Fadaraalka KMG ah ay heshiis la soo saxiixdeen
Madaxweynaha ayaa sheegay siyaasada xagga dibada in ay soo hagaajiyeen, isagoona sheegay shirkii dhawaan uu ka qayb galey ee ka dhacay dalka Briton uu kulamo gooni la qaatay wakiilo badan oo shirkaas ka qayb galey.
“Gaalkacyo beelo kuma dagaalamayo ee waxa qaska ka wada Al-Shabaab mana loo dul qaadanayo, waxa jirra kuwa cildhibaano ah oo ku sugan Muqdisho kuwaas oo yiraahda waxa lagu dhibaateeya deeganada Puntlad dad ka soo jeeda Koonfurta Soomaalita anniga ayaba aan dhihi lahaa waxa ay la jiraan Al-Shabaa” ayuu sheegay Madaxweyne Faroole
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay dalka Soomaaliya in la heesto waxana uu mar kale ku celiyay taagteeradiisa ah in dowlada Kenya ay soo gasho Soomaaliya
Dalkan qaran nimadiisa waa lama taabtaan, laakin waan soo dhaweyneynaa cid kasta oo gacan naga siinaya dagaalka lagula jirro Al-Shabaab.
Waxa jirra dad ka soo horjeestay fara galinta Kenya ay ka wado Soomaaliya.
Haddaba khudbadii madaxweyna Faroole halkan ka dhageyso.


RBC Radio


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles