Hargaysa-( Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraalle (Duur), ayaa maanta xilkii ka qaaday xoghayaha fulinta dawlada hoose ee Hargeysa Deeq Xirsi Cambuur.
Waxa kale oo uu wasiirku isla maanta uu magacaabay xoghaye cusub, isaga oo xoghayaha fulinta dawlada hoose ee Hargeysa u magacaabay Mawliid Waris Cabdilaahi oo ahaa Guddoomiye Ku xigeenkii Gobolka Hargeysa oo isla saaka shaaciyay inuu iska casilay xilkan.
Illaa hadda wasiirku Arrimaha Guduhu muu sheegin sababta keentay inuu xilka ka qaado xoghayaha fulinta dawlada hoose Hargeysa, Deeq Xirsi Cambuur, hasayeeshee ilo ka duwani waxa ay xaqiijinayaan in xil-ka-qaadistiisa ay soo dedejisay hawlgelkii dadka lagaga rarayay cisbitaalkii hore ee jajabka oo keentay dhimasho iyo dhaawac. Oodweynenews.com, Hargeysa Office.
Source-BON
↧
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Maanta Xilkii Ka Qaaday Xoghaya Fulinta Dawlada Hoose Ee….
↧