Waxaa goor dhow ka duulay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde wafdi uu hogaaminayay R/wasare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahin.
Wafdigan ka dhoofay garoonka Aadan Cadde ayaa waxa ay ku sii jeedeen wadanka Jarmalka kadib markii wasirka arrimaha dibada uu casuumaad ka helay dhigiisa jarmalka.
Wasiirka arrimaha dibadda ayaa waxaa sarafkiisa ku wehlinayay wasiir ku xigeenka maaliyadda iyo lacagta Cali Dirir faarax.
Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahin wasiirka arrrimaha dibadda oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in safarkiisa uu qaadan doono mudo afar malmood ah si uu kulamo ula qaato madaxda dalkaasi isagoo xusay in mas’uuliyiinta Jarmalka uu kala hadli doono xiriirka labada dal iyo soo celinta hantada dowladda ee taal dalkaasi.
waa markii ugu horeysay ee uu wasiirka arrimaha dibada booqasho ku tago dalka Jarmalka taniyo markii loo magacaabay xilkiiisa.
↧
Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo U dhoofay Jarmalka
↧