Maah maah baa waxay ahayd (kulu xaraka lahaa Baraka ). Waa loo baahnaa dhaqdhaaq siyasadeed oo dadweynahu ay kaga qayb galaan siyaasada . kadib markii sadexda xisbi ay ku guulaysan wayeen inay dadka u furan saaxada siyaasada si qof waliba uga qayb galo .oo ay noqotay anigaa halkan iska lehe meel kale ka doono .
Waxaa kaloo hubaal in lacag badan iyo dhaqdhaqaaq dhaqaale uu iman doono kaas oo dalka u horseedi kara inay yareyso busaardaha caalamka ragadiyay oo Somalilandna qayb kamida ah soo gaadhay.waxaana ka mida shuruudaha laga rabo ururada cusub . lacag deebaaji ah oo lagu xidhay inay bixiyaan ururada siyaasada ee dalka ka furmaya oo qadarkeedu yahay 20 kun oo dollar oo u dhiganta 150 Milyan oo shilinka Somaliland ah.
Dhanka siyaasada waxay uraradu horseedi karaan :
1- Ka mid noqoshada Somaliland ee Bulshada Caalamka
2- Kobcinta hanaanka Demcracy-ga
3-Xuquuqda Aasaasiga ee Muwaadiniinta
4- Fidinta Maamulka
5- Abuurista saaxad siyaasadeed oo loo simanyahay
6-Dhiirigalinta Dhalinyarada iyo Haweenka ee ka qaybgalka hogaanka dalka
Arrimahani waxay horseedi karaan dhaqdhaqaaq siyadeed iyo mid dhaqaale oo ay bulshada Somaliland u baahney waana guulaha ay dawlada cusubi u horseeday dalka iyo dadkaba.
Cabdiraxmaan Bidhaan radio Bristol UK
——————————————————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla,
↧
Furista Urarada siyaasadeed waxay horseeday dhaqdhaqaaq siyasadeed iyo mid dhaqaale .
↧