Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Habkuu ula haasawi jirey nebi Mu’ed (nnkh)haweenka markuu doonayo guur?

$
0
0

 
Waxay Diinteenu jidaysay in labada qof ee doonaya in ay is guursadaan ay mudo wada sheekaystaan oo ay mudo wada socdaan. Hadaba habkay u wada soconayaan mudo guurka hortii.
Hadaynu tusaale kasoo qaadano Nebigeeni (nnkh) marka uu doonayo in uu guurso gabadh waxa uu u diri jirey gabadh kale oo uga xog waranta oo xita xubnaheeda inta muuqata usharaxda &midabkeeda.
Waxa ugu badan ee Nebigu ka wareysanjirey gabadhaa waxa ka mid ahaa akhlaaqdee & ku dhaqankeeda shareecada Diinta islaamka waana labda uu yidhi nabigu (scw) haduu idiin yimaado nin ay idin raali gelisay akhlaaqdiisa iyo diintiisu isagoo idinka doonaya guur ha u diidina, hadaad u diidaan waxaa dhici doono fasaad wayn.
Waxyaabaha casriga ah ee Diintu ogashahay in lagu wada xidhiidho  wakhtiga haasawaha& waxyaabahay diidanytahay waxyaabaha ay ogasha waxa kamida:
websaydada,mobile ka, maasayjyada ,ilacadaha,iyo dhamaan adeegyda casriga ee qalabka warbaahinta.
Waxyaabaha ay diidantahay waxa kamida khalwada oo ah in qol inankii & inantii is doonayey ay kali wada fadhiistaan taas oo uu nebigeenu {csw}ku tilmaamey xadiiskan (لا يخلون رجل بامرأة إلا ذو محرم)) oo macnihiisuna yahay in aanay kali isla noqon karin haweenay iyo nin ajahanabi kala ahi ( aan meher isu hayn , isna gaya ) sababta uu ku diiday Nebigu {nnkh} waa ka hortagid laga hortagayo in shaydaan ka adeego oo dhexdooda sino ka dhacdo waana arin taxadira,weligaana ka dhawrso inaad kali kula noqoto qol gaara gabadh aad geydo oo meher shar ci ahi kuu haynin.
Hadaba waayahay ee hadii Diintu tidhi hala gaar noqonin ma dadka  dhexdiisaan kula sheekaystaa ta calaf kaygu uu galo ama sidaan ku ogaan kara quruxdeeda?
waxaad ka eegi kartaa quruxda haweenayda laba xubnood:wajiga& labada kaf (labada baabaco)sida uu EEBBE ayadan ku tilmaamey:{وَقُل لِّلْمُؤْمِنَاتِ يَغْضُضْنَ مِنْ أَبْصَارِهِنَّ وَيَحْفَظْنَ فُرُوجَهُنَّ وَلاَ يُبْدِينَ زِينَتَهُنَّ إِلاَّ مَا ظَهَرَ مِنْهَاوَقُل {لِّلْمُؤْمِنَاتِ يَغْضُضْنَ مِنْ أَبْصَارِهِنَّ وَيَحْفَظْنَ فُرُوجَهُنَّ وَلاَ يُبْدِينَ زِينَتَهُنَّ إِلاَّ مَا ظَهَرَ مِنْهَا
Waxa uu ku tafsiiray cabdilaahi binu cabaas oo ahaa ninkii ugu aqoonta badnaa umada islaamka in looga jeedo   إِلاَّ مَا ظَهَرَ مِنْهَا  wajiga iyo labada kaf, 4 ta mad hab ee islaam kuna waxa ay sheegeen in aanay cawro ahayn labadaa xubnood, marka loo eego jidhka haweenayda intiisa kale.
wejigu waxa uu ka kafaynayaa quruxdeeda, kafafkuna hilib keeda
labada midna uma baahna khalwo.
Lasoco qaybta 8aad ee barmaamijkan.In sha Allah
Diyaariye: SH. Qoobshunux


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>