Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Shabaab oo Afgooye ka bilaway dhaqdhaaq ciidan.

Afgooye(GMN)-Kooxda Shabaab ayaa dhaqdhaaq ciidan waxa ay ka bileen degmada Afgooye ee gobolka Sh.Hoose halkaasi oo ka mid ah magaalooyin kenya ay sheegtay inay duqeymo ka fulinayso.
Goob Joogiyaal ku sugan degmada Afgooye ayaa Gedo Online u sheegay in ciidamada Shabaab oo wata gadiidka dagaalka ay gaafwareegayaan wadooyinka Degmada Afgooye e gobolka Sh,Hoose.
Dhaqdhaaqan ciidan ee shabaab ay wadaan ayaa cabsi galisay dadka degmada ku nool kuwaas oo sheegaya in wali aanay arkin dhaqdhaaqyadani ay wadaan shabaabka degmada Afgooye ee gobolka Sh.Hoose
Ciidamo la sheegay inay ka yimaadeen deegaanada kale ee shabaabku gacanta ku hayaan ayaa la shegay inay gaareen degmada Afgooye.
Gaadiid ku xiran hubka culus ayaa lagu soo waramayaa in lagu arkayo gudaha degmada Afgooye ee gobolka Sh.Hoose waxaana mararka qaar gawaaridaasi ay socdaal ku marayaan gudaha wadooyinlka Degmadaasi
Dhinaca kale cabsi ayaa laga dareemayaa magaalooyinka qaar ee koonfurta soomaaliya oo keny ay sheegtay in duqeymo ay ka fulin doonto meelaha qaarna waxaa lagu soo waramayaa in  barakac uu ka bilowday.
Wixii ka danbeyey markii dowlada Kenya ay shaacisay inay duqeymo ay ka fulinayso tobon magaalo oo soomaaliya ka mid ah oo shabaab ay gacantooda ku jirta waxaa soo baxayey dhadhaaqyo ciidan oo ay wadaan shabaab,
Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles