Boosaaso (SPR): Cayaar saaxiibnimo oo ciida loogu talagalay ayaa galabta garoonka wayn ee magaaladda Bosaso ku dhexmartay goboladda Hayland iyo Sanaag oo ka wada tirsan Puntland,xilli maanta ay muslimiinta ku nool dunidda daafaheeda ay u dabaal dageen munaasabadda Ciidul Adxaa.
cayartaasi ayaa waxa u soo daawasho tagay dadwayne gaaraya kumanaan oo isugu jiray,Rag,Dumar,Carruur,Haween iyo taageerayasha labada Gobol ee maanta wada cayaaray,waxaana soo qabanqaabiyay cayaarta Macalin Cabdullaahi Xassan Tuke oo qayb ka ahaa Macalimiintii muga wayn ku lahaa Cayaaraha Somaliya ka hor Qaranjabkii umadda Somaliyeed.
Ujeedada cayaarta ayaa hayd mid looga gol lahaa,soo dhowayn loo soo samaynayay maamul cusub oo dhowaan loo magacaabay Gobolka Hayland iyo wiil uu dhalay Macalin Cabdullaahi Xassan Tuke oo muddo 10 sano ah ku xirnaa wadanka Maraykanka oo dhowaan xoriyadiisa dib u hantay,wiilkaas oo lagu magacaabo Maxamed Abdullaahi Xassan Tuke.
Qaybta hore ee Cayaarta ayaa ku bilaabatay weerar iyo weerar celis Gobol waliba weeraryahanadiisu ay ku doonayeen in ay Goolal ku keensadaan. Gobolka Hayland ayaa daqiidadii 20aad qaybta hore ee Cayaarta ay u suurto gashay in ay keensadaan Go’alkoodii kowaad oo uu saxiixay Cayaaryahan Najiib Ismaaciil.
Weerar isdaba jooga oo ay qaadeen weeraryahanadda Gobolka Sanaag ayaa u horseeday in daqiiqadii 35ad ee qaybta hore ee Cayaarta ay keensadaan Go’alkii barbar dhaca,Go’alkaas oo u saxiixay Cayaaryahan Abdi Qani.
Inta Cayaartu ay soconaysay waxa Garoonka hareeyay sawaxan balaaran oo taageerayasha labada dhinac mid waliba uu u muujinayay Gobolka uu taageersan yahay.
Qaybtii kowaad ee cayaarta ayaa labada Gobol ay ku kala nasteen barbar dhac. Qaybtii labaad ee Cayaarta ayaa weeraryahanadda labada Gobol oo badal qarkood lagu sameeyay ay isku dayeen in mid waliba uu keensado golal hubanti uga dhigaya in uu guulaysto,hasa yeeshee 90 daqiiqo ee loogu talagalay Cayaarta ayaa ku dhamaatay 1:1.
Labada gobol oo loo dhigay Rikoorayaal ama Go’al kulaad ayaa natiijadda cayaartaka dhigay mid ku soo afmeerantay 4;1 oo guushu ay ku raacday Gobolka Hayland. Cayaaryahanadda guulasytay ee Gobolka Hayland ayaa la gudoonsiiyay koob aad u qurux badan,billaddo iyo Kubaddo.
Naciimo Muuse Cilmi,Bosaso.
www.spr.fm
↧
Hayland oo Sanaag Dhulka ku Jiiday Ciyaar Saxiibtinimo Daawo Sawirada
↧