Waxaa maalintii shanaad ka socda magaalada Muqdisho dagaalo iyo duqeymo walow eysan sidi hore u soo darneyn.
Salaaddii Jimcaha ka hor ayaa Degmooyinka Hodan Hawl Wadaag iyo War dhiigleey waxaa ka bilowday Dagaalo goos goos ah oo ay dhinacyadu Rasaas isku weeydaarsanayeen.
Rasaastaas gooska gooska ah ayaa waxaa xigay iyana Tiro aan badneen ee Madaafiic ah oo dhinacyadu ay is weeydaarsadeen.
Ma jiro khasaare dhab ah oo ay geeysteen Duqeeymihii koobnaa iyo iska hor imaadyadii qaddar kooban soconayay ee u dhaxeeyay dhinacyada iyadoo goor danbana ay iskooda u istaageen duqeymihii iyo iska hor imaadyadii ka horreeyayba.
Manta oo ay tahay Maalinimo Jomce ah isla markaana ah Maalintii shanaad ee Dagaalada ay ka soconayaan qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa waxaa jira dad cusub oo manta iyagoo ka faa’ideysnaya hakashada ay Dagaaladu Maanta Hakoodeen waxa ay bilaabeen in ay isaga bara baxaan degaanadii ay waayadan ku sugnaayeen.
Dadkan ayaa sheegey in maalmihii la soo dhaafay ay fursad u waayeen in ay ka baxaan guryahooda oo ay ku go’doonsanaayeen balse manta ay fursad u heleen inay ka cararaan degmooyinkii Maalmahan Dagaalku uu ka soconayay.
Dadka Degaanadaa ku jirey oo qaarkood dhawaan ay ku soo noqdeen degaanadooda ayaa mar kale bilaabay in ay dib u bara kacaan ka gadaal markii ay uadkeysan dagaaladii maalmahan dhacayay.
Si kasta ha ahaatee Xaaladda Muqdisho ayaa noqotay mid aan la saadaalin Karin oo mar nabad ah marna dagaalo ay ka jiraan.