Oradyahanka Soomaaliyeed ee u safta dalka Ingiriiska Mr.Mohamed Faarax oo ku magac dheer Mo Farah ayaa waxaa la gudoonsiiyey abaalmarin qaali ah oo ay Sanad kaste bixiso BBC-da qeeybteeda Sportiga.
Mo Farah ayaa sanadkaan dhamaadka ah ee 2011-ka waxa uu Gacanta ku soo dhigay Bilad Dahab ah ka dib markii uu ku Guuleeystay Tartankii Oradka 5000m-ahaa. Mo Farah ayaa gudaha dalka Ingiriiska ku leh Taageero xoogan oo dhanka oradka ah taas ayaana u saamixisay inuu Kaalinta 3-aad ka galo Abaalmartii ay bixisay BBc-da ka dib markii ay u codeeyeen Joornaaliistayaal fara badan oo magac ku leh gudaha dalka Ingiriiska.
↧
Mo farah oo Kaalinta 3-aad ka galay Abaal marin ay bixisay BBc-da+Daawo video
↧