Image may be NSFW.
Clik here to view.Maamulka Alshabaab ee inta badan ka taliya gobolada Koonfurta Soomaaliya ayaa deegaanada ay ka taliyaan dadka ku dhaqan gaar ahaan Odayaal Dhaqameedka amar dul dhigay.
Odayaal Dhaqameedka beelaha ku dhaqan deegaanada ay Alshabaabku ka arimiyaan ayaa lagu wargeliyay in ay ciidamo ka soo ururiyaan Beelahooda si ay ciidamadaas uga qeyb qaataan dagaalada ay Alshabaab ka wadaan magaalada Muqdisho.
Odayaal dhaqameedkii ka baaqsada fulinta amarkan ka soo baxay Alshabaabka ayaa dhanka kale loogu hanjabay in lacago Fara badan oo ganaax ah laga qaadi doono si lacagahaas loogu fuliyo hawlaha Jihaadka ay u yaqaanaan Alshabaabku.
Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa la eegayaa halka uu ku dambeeyo amarkan la dul dhigay Beelaha ku dhaqan gobolada Koofureed ee Soomaaliya.