Degmada Afgooye wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in bartamaha magaalada uu askari ka tirsan Ciidamada Xisbul islaam si bareer ah oo aan geed loogu soo gamban uu ugu tuugtay Ganacsade lagu magacaabi jiray Sheekheey Jareerey.
Allaha u Naxariistee Sheekheey Jareerey ayaa ka mid ahaa ganacsatada ku ganacsatada Suuqa Afgooye qeybtiisa Qaadka waxaana maanta barqadii askari ka tirsan Ciidamada Xisbadu uu ku toogtay ninkaas goobtii uu ku ganacsanayay.
Askariga dilkan geystay ayaa si kalsooniyi ka muuqata uga dhaqaaqay goobtii uu dilka ku geystay mana jirto cid ka hadashay falka uu geystay ha ahaadaano Mas'uuliyiinta Xisbiga ama ehelada Marxuumkee.
Dilalka noocaan oo kale ah ayaa waxaa u caada ah kuwa geysanaya in ay ku doodeen difaaca diinta Alle inkastoo su'aali ka taagan tahay sida Shareecada islaamka iyo falalka ceynkan oo kale ah la isu waafajinayo.