Hargaysa,(OWN)- Waxa maanta warsaxaafadeed soo saaray agaasimaha wasaarada arimaha dibada ee Somaliland Maxamuud Raage, taasi oo fajiciso iyo yaab ku noqotay umada Somaliland.
Agaasimahu waxa uu beeninaayay war ku soo baxay shabakada Qarannews, waa sida uu sheegaye, mana uu sheegin warkaasi waxa uu yahay, goorta la soo baahiyay, ciwaanka ama sumada iyo taariikhada warkaasi sidaasi daraadeed waxa ka muuqata aqoon daro iyo xil kasnimo xumo, gabi ahaanba waxa qoraalkaasi uu ahaa wax ka fog wax la baahiyo oo umad la hor geeyo.
Maxamuud Raage, waxa uu ceeb u soo jiiday Somaliland isga oo ka talo qaadanaaya wasiirkiisa arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah magac xumo, aqoon daro iyo been abuur, qoraalkaasi maanta ay soo saareena waxa uu ahaa mid ka turjumaaya sida fool xumada ah ee ay u socoto wasaarada arimaha dibadu.
Qaran news waxa ay diyaar u tahay in ay cadayso war kasta oo ku soo baxay shabakada oo aanu baahinay, kuwaasi oo isha laga lalaanyo, sababta carabka loogu dhufan waayay warka ugu danbeeyay ee aanu baahinay todobaadkani waa mid xaqiiq ah oo ay qarinayaan in ay ka hadlaan, waana ta kaliftay in afka ay soo marin waayaan, waxana ay ka baqayaan in la soo bandhigo cadaymaha iyo emai-lada la is waydaarsaday ee gacanta lagu hayo, waana kuwo si dhakhso ah loo soo baahin doono oo ummada loo soo bandhigi doono.
Waxa aanu halkani ka beeninayaanaa in aananu marnba wax emailo-ah oo aanu jabsanay ama xadnay ayna jirin, sidoo kale waxa aanu beeninynaa in aananu wax argagaxiso ah shaqo ku lahayn, taasi oo uu wasiirku hore ugu eedeeyay madaxa shabakada qaran news in uu xidhiidh la leeyahay argagaxisda caalamiga ah taasi oo been abuur ah, isla markaasina uu wasiirka arimaha dibadu safaarada Itoobiya ee Ingriisku ku leeyahay uu sidiiasi ugu sheegay email-uu u diray, arintaasi oo ahayd been cad oo ayna waxba ka jirin.
Sababaha uu wasiir Maxamed C/lahi Cumar uu argagaxisda uguy sheegay madaxa shabakada qarannews, waxa ay tahay waxa laga hayo ee uu maanta ka damqaday ee uu ka gubanaayo, waxa aanu haynaa qoraalo rasmi ah oo laga hayo wasiirka arimaha dibada ee Somaliland kuwaasi oo aanu baahin doono una socon doona si joogto ah.
Wasaarada arimaha dibada waxa ragaadiyay shaqaale xumo oo aan aqoon u lahayn waxa ay qabanayaan, kuwaasi oo aan sooyaalka taariikheed ee Somaliland aan waxba kala soconin, sida agaasimaha Maxamuud Raage oo aan aqoon u lahayn waxa uu qabnaayo sidoo kale ahaa reer Sabalaale iyo wasiirka arimaha dibada oo aan isna aqoon u lahayn iyo khibrad toona arimaha dibada iyo siyaasadaha xidhiidhka caalamiga toona kaasi oo ku soo bar baaray Baydhaba, kuna fashilmay mudadii uu xilka hayay, madaxweyne Siilaanyona dhabarka ka jabiyay, isla markaasna niyad jab ku abuuray shicibka Somaliland meel kasta oo ay joogan.
Waxa aanu soo bandhigi doonaa qoraalo rasmi ah oo laga hayo wasiirka arimaha dibada, oo tariikhda Somaliland loo sharaxaayo oo loo dhigaayo oo la baraayo iyo iyada oo loo soo diyaariyay waxa uu ku hadlaayo, mana aha shaqsi wax ka og sooyaalkii taariikheed ee Somaliland.
Maamulka Shabakada Qaran news
↧
Jawaab: Madaxda Wasaarada arimaha dibadu sida ay anshaxa uga qaldanyiin ayay aqoontana uga liitaan
↧