Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Alshabaab oo ka warbixisay weerarkii Geriley

$
0
0

Xarakada Alshabaab ayaa ka hadashay weerar habeennimadii Arbacada loogu geystay saldhig ay booliska Kenya ku leeyihiin deeggaanka Geriley ee ka tirsan degmada Wajeer.
War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee Alshabaab ayaa lagu sheegay in weerarka uu jawaab u ahaa duulaanka ay ciidamada Kenya kusoo qaadeen gobolada ay Alshabaab ka taliso.
“Cutub ka tirsan ciidamada gaarka u tababaran ee Mujaahidiinta ayaa si lama filaan ah u weerarray saldhig ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deeggaanka Geriley ee degmada Wajeer abbaara 7:15 fiidmo ee ay Khamiistu soo galaysay.”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.
Alshabaab ayaa intaas ku dartay in 7 ka mid ah askartii iyo shaqaalihii saldhiga joogay la dilay halka kuwo kalana noolal lagu soo qafaashay.
Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in saldhiga la weerarray isla markaana 7 ruux lagu dilay, waxaana taliyaha booliska gobolka Waqooyi Bari Kenya James ole Seriani uu sheegay inay ku raad joogaan kuwa falka geystay.
“Ciidanka dhulka oo ay caawinayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa baadi goob ugu jira dadka la afduubtay,”ayuu yiri Seriani.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>