Gaalkacyo (RBC):- Dallada Badbaado ayaa maanta tababar ku saabsan wacyigelinta khatarta cudurka HIV/AIDS waxay u qabatay dadweyne laga soo dhex xulay qeybaha bulshada ee magaalada Gaalkacyo.
Tababarka ayaa si rasmi ah maanta uga furmay hoolka shirarka ee hotelka Seylaan ee magaalada Gaalkacyo, waxaana tababarka ay soo agaasintay Dallada Badbaado ka soo qeybgalay mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Mudug, Maamulka Degmada Gaalkacyo, Mas’uuliyiin ka socotay Dallada Badbaado iyo Hay’adda PAC iyo Dadweyne lagu casuumay kulanka.
Wakiilka Hay'adda PAC Cabdiqaadir Maxamuud Cabdi
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) ayaa kulanka furay wuxuuna u mahad celiyay Dallada Badbaado ee barnaamijkan soo agaasintay iyo hay’adaha tababarkan gacanta ka siiyay, wuxuuna Gudoomiyuhu si weyn uga sheekeeyay khatarta uu leeyahay cudurka dilaaga ah ee AIDS-ka, isagoo dadweynaha ku boggaadiyay inay ka qeyb qaataan ololaha lagula dagaalamayo cudurkaasi.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yusuf
Gudoomiye xigeenka Dallada Badbaado Johoro Muuse Cilmi ayaa ka warbixisay tababarkan, waxayna sheegtay in tababarka uu yahay mid bulshada looga wacyigelinayo khatarta uu leeyahay cudurka HIV/AIDS iyo sida bulshadu uga gaashaaman karto, waxayna sheegtay in tababarkani uu yahay taageero ka timid Ururka IGAD Regional Aids Partnership Programme (IRAPP) iyadoo Dallada Badbaado ay fulinayso tababarkani.
Marwo Johoro waxay ka soo qeybgalayaasha uga sheekeysay saameynta cudurkani uu ku yeesho bulsho kasta oo aan ka feejignaan, waxayna ka soo qeybgalayaasha ku boggaadisay in ay ka qeyb qaataan wacyi gelinta bulshada loo sameynayo ee looga wacyigelinayo khatarta cudurkani uu leeyahay, iyadoo kasoo qeybgalayaashana ka codsatay in ay bulshada inteeda kale uga sii faa’ideeyaan waxyaabaha ay ka fahmaan tababarka.
Wakiilka Hay’adda PAC ee Gobolka Mudug C/qaadir Maxamuud Cabdi ayaa wuxuu ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka hadashay tababarka wuxuuna si faah faahsan uga warbixiyay khatarta cudurka HIV/AIDS iyo kaalinta Hay’adda PAC ay ka qaadato in shacabka laga wacyi geliyo khatarta cudurkaasi dilaaga ah, isagoona mahad celin ujeediyay Dallada Badbaado iyo Ururada gacanta ku siiyay tababarka qabashadiisa, wuxuuna faa’ido ku sheegay wacyigelinta joogtada ah ee loo sameynayo bulshada taasi oo hoos u ridaysa khatarta cudurkaasi iyo in uu bulshada ku faafo.
Johoro Muuse Cilmi
Tababarka ayaa socon doona sida uu qorshuhu yahay laba maalmood, waxaana lagu qaadan doonaa labadaasi maalmood duruus ku aadan khatarta cudurka dilaaga ah ee AIDS-ka, waxaana ka soo qeybgalayaashu yeelan doonaan labadaasi maalmood doodo iyo fikir isweydaarsi ku saabsan cudurkaasi, waxaana xusid mudan in tababarka ay ka qeyb qaadanayaan dad la nool cudurka HIV/AIDS.
↧
Dallada Badbaado Oo Gaalkacyo Ku Qabtay Tababar Ku Saabsan Wacyigelinta Khatarta Cudurka HIV/AIDS (Sawiro)
↧