Madaxweynaha Dalka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo maanta khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey aqalka baarlamanka dalka Somaliland. Madaxweyne Siilaanyo oo laba gole ee Jamhuuriyadda Somaliland la hadlayey ayaa waxa uu ku soo qaatay wixii dawladd ahaan ka qabteen arrimaha caafimaadka. Waxaana khudbadiisii ku jirtay qodobka uu kaga hadlayey arrimaha caafimaadka. Waana kan qodobkii caafimaadku.
4. Caafimaadka:
Waxaanu ka qabanay in ka badan intii aanu balanqaadnay, Dhammaan gobolada waaweyn waxaa lagu sameeyay dib u habayn, dayactir iyo qaar wax lagu kordhiyayba, weynu ognahay baahida dalkeenu way ka mug weyn tahay mid aynu kaligeen wada dabooli karayno sidaa awgeed waxa gacan muuqata ka siiya dawlada oo ka caawiya haya’do caalamiya, inkastoo aanay gaadhsiisnayn heerkii loo baahnaa laakiin haba iska yaareetee waynu ugu abaal haynaa, waxaanan ku rajo weynahay in ay kordhin doonaan kaalmadaa caafimaad. Waxaan odhan karaa sanadkan dhammaaday waxa caafimaadka laga qabtay waxyaabo muuqda, haddii ay noqon lahayd dhinaca dhismayaasha xarumaha caafimaadka, hadday tahay qalabka caafimaadka iyo kor u qaadidda aqoonta hawlwadeenada caafimaadka iyo hadday tahay ololeyaasha lagu cidhibtirayo cudurada dilaaga ah iyo kuwa faafa, waxaa Ambalance-yo cusub loo qaybiyey Boorame, Gabiley iyo Ceerigaabo.
Waxaa Hargeysa laga Billaabay dhismaha Cusbitaal weyn oo caalimi ah iyadoo kii horena lagu qalabeeyay 235 sariirood oo cusub, sidoo kale Gabiley waxa laga furay cusbitaal cusub, Waxaa ballan-qaadkayagii ka mid ahaa inaanu shaqaalayno 443 isugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal caafimaad oo ka soo qalinjabiyay jaamacadaha dalka iyo dugsiyada caafimaadka, waana la fuliyay oo way hawlgaleen.
Bahda mareegta caafimaadka
Copyrigts.2012.
↧
Madaxweynaha Somaliland oo khudbadiisii ku soo qaatay arrimaha caafimaadka
↧