Afhayeenka Milateriga Kenya oo warbaahinta uga warbixiýay duqeyntii shalay diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka geysteen magaalada Jilib ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay in duqeyntaas inay ku dileen al Shabaab bada.
Afhayeenku wuxuu sheegay in duqeyntaas ay ku dileen 10 ka tirsan dagaalyahaniinta al Shabaab ee sida uu ku dooday halista ku amaanka Kenya.
Dhanka kale wuxuu sheegay afhayeenku inay baarayaan warar shalay soo baxay oo sheegayay in diyaaradahaas ay gantaalo iyo bambaanooyin waa weyn la dhaceen goobo ay ku badnaayeen dad shacab ah .
Si kastoo ay ahaataba waxaa dadka deegaanka laga xaqiijiyay in diyaaradaha dagaalka Kenya duqeyntii ay shalay ka gesyteen degmada Jilib ay ku dhinteen shacab ay carruuri ku jirtay.
Dowladda Kenya oo 92 maalmood kahor ciidankeeda soo gelisay ciidda Soomaaliya ayaa dagaalka kula jirta al Shabaab, dagaalkaas oo sida la hubo gaaaftay nolosha shacab badan oo ku nool dhulka dhaca xuduudaha Kenya iyo Soomaaliya iyo weliba gudaha hoose ee Koonfurta Soomaaliya.