Warar goor dhow dhinaca Beledweyne naga soo gaaray ayaa sheegaya in khilaafkii u dheeyay Ahlu Sunna iyo maamulka Dooxada Shabeelle uu cirka isku shareeray arrintana ay soo farageliyeen ciidamada Itoobiya ee halkaas ku sugan.
Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegayaa inay xabsiga dhigeen labada nin ee ugu sareysay Maamulka Dooxada Shabeelle iyo Ahlu Sunada Gobolka Hiiraan labadaas nin oo lagu kala magacaabo Cabdikariim Xasan Afrax iyo Aadan Cabdulle Cawaale.
Labada maamul weli war kama soo saarin wararka sheegaya in madaxdoodi ay xireen ciidamada Itoobiya ee gacan-saarka la lahaa maamuladan ku muransan talada gobolka Hiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne.
Wixii war ah ee soo kordha dib ayaan idiinkaga so sheegi doonaa haddii Alle idmo.